Muuse Biixi ”Lama Dhagaysan Karo Axmed Mire ayaa Belaayo Dalka ugu Maqan…”

Madaxwaynaheena Mudane Muse Biixi Cabdi, ma waxa aynu ka dhagaysan karaa, ninkaa Mujaahidka ahaa ee Dalka ka Maqnaa 27ka sano, ayaa iga soo horjeeda oo aan wax ka wadi Kari la’ahay. Ma waxa aynu shacabku dhegaysan karaa Axmed Mire ayaa BALAAYO ugu maqan Somaliland 27 kaasi sano ee uu maqnaa?

Dhalinyarada Somaliland iyo kuwa reer Burco Madaxwaynuhu yaanu Ku gafin, sababtoo ah ma oga khilaaf u dhexeeya Madaxwaynaha/Maxamed Kaahin iyo Axmed Mire.

Mudane Madaxwayne Gari ALLE ayay taqaanaaye labadiina Adigaa Dalka joogay oo Xukuumad kasta oo dalka soo Martay Ku ahaa mucaarid, Axmed Mire wuxuu ahaa Muwaadinkaasi Qurbaha iska jooga ee Dagaalkii Xorayntana Baalka Dahabka Qaatay, Umadda iyo Ilaahayba waa ogyahay in aanu dhib noogu maqnayn ee Fadlan Umadda Naxliga ka daa, oo cid kugu mucaarid ah majirtee, u jihee Dalka oo Ardayda Jaamacadaha ka Qalinjabinaysa Maskaxahooda Xalan ka daa haka daxalyne.

Mudane Madaxwayne, Maanta Qaranku waxa uu kaaga baahan yahay In aad u hogaamiso dhinaca horumarka dhaqaale caaafimaad, Waxbarasho iyo cadaalad. Wadajir ayaa meel lagu gaadhaa.

Shacabka Somaliland muruq iyo maskax waa kuula diyaar ee isku duubni Ku hogaami, bulashadu kaama aqbali karto Khilaafkii SNM dhexdeeda 1987 yaalay in aad maanta dib ugu celiso.

Ugu Danbayn, waxan Mudane Madaxwayne kuugu baaqayaa in aad ilaaliso Hayabadda Qaranka aad Hogaamiyaha u tahay, kalmad kasta oo afkaaga ka soo baxda iyo talaabo kasta oo aad si public ah u Qaadaa waxay saamayn toos ah Ku leedahay Guud ahaan Qaranka Dal iyo Dadba gaar ahaan waxay saamaynaysaa Masaaliixdii Dalka saamayntaasi oo iyada lafteefu leh qotodeeda. Tusaale shalay Berbera War baad ka sheegtay, waliba qaab Madaxwayne Umaad sheegin ee Qaab Shaqsi oo kale ayaad warbaahinta laga arkayay adigoo u sheegaya, waxan u jeedaa Qaabkii Madaxwayne Dal go’aan kaasi oo kale ah u sheegi jiray uma aad sheegin, matkiiba Wakaaladaha Wararka ee dunida ugu waawayn ayaa Warkii faafiyay sida Reuter oo sheegay In Somaliland gabi ahaanba joojisay Saldhigii Iimaaraadka Carabta kadib markii Madaxwaynaha Somaliland sidaa kaga dhawaaqay booqasho uu ku tagay madaarkii Saldhiga Ciidan iimaaraadku ka dhisayay, wakaaladaha warkan warinayay waxay la Xidhiidheen UAE 🇦🇪 si ay wax uga waydiiyaan go’aanka ay Somaliland qaadatay.

Maalintii Ku Xigtayna Warkale ayaad Burco ka sheegtay.

Halkaa Xeeldheerayasha Siyaasadu waxay hoosta ka xariiqayaan Siyaasada Qaranka Somaliland in aanay degenayn (lack of political stability and maturity). Waxa Danta Qaranku Ku jirtaa aniga aragtidaydii adigoo Madaxwayne sii qorta Khudbadaha ilayn Maanta Madaxwayne Qaran baad tahee.