Wasiirad Fowsiyo oo Muqdisho kula kulantay wafuud ka kala socotay UNDP iyo Jaamacadda Carabta+sawirro

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa xafiiskeeda ku qaabishey wafdi ka socday Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayay Xamuud Xuweydi safiirka Jamacadda Carabta ee Soomaaliya iyo C/qaadir Raqfiiq oo ahaa u qeybsanaha UNDP ee Soomaaliya,iyadoo ay goob jooga ahaayeen wasiir kuxigeenka wasaaradda Cismaan Libaax Ibraahim,agaasimaha guud iyo xubno kale.


Kulamada wasiir Fowsiyo iyo labadan wafdi oo si yaabo kaladuwan u qabsoomay ayaa intii ay socdeen waxaa la iskula soo hadal qaaday sidii looga wada shaqeyn lahaa dardargelinta mashaariic horumarineed oo ay waddo wasaaradda Tamarta iyo khayraadka Biyaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulankaasi diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa taageerada Jaamacadda Carabta iyo UNDP ee hirgelinta mashaariic kaladuwan oo dhinacyada tamarta iyo Biyaha,kuwaasi oo qorshohooda ay waddo wasaaradda.

Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed agaasimaha guud ee wasaaradda oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahiyay waxyaabihii kulankoodi ku saabsanaa,wuxuu sheegay in ay diiradda saareen fulinta heshiisyo horey loo galay iyo hirgelinta mashaariic hay’adda Jaamacadda Carabta u qaablisan dhankaasi iyo wasaaradda iyo sidii dabagal loogu sameyn lahaa fulinta howlahaasi.

Sidoo kale Agaasime Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed ayaa sheegay in Hay’adda UNDP ay qeyb ka tahay hay’adaah kala shaqeeya hirgelinta iyo fulinta mashaariicda loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed,waxaana uu xusay in kulamadaasi ay ku soo dhamaadeen is afgarad ku aadan waxyaabihii la iskula soo hadal qadaay.