War Deg Deg ah:-Kooxo Hubaysan oo Askari ka tirsan Dowladda ku dilay Magaaladda Muqdisho

Kooxo Hubeysnaa ayaa Goordhaweyd askari ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku dileen Baar Sanca Degmadda Kaaraan ee Gobolka Banaadir.


Dhalinyaro Bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fulisay dilka,waxayna kooxihii dilka gaystay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Meydka askariga ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda ee la dilay ayaa goobta laga qaaday,waxaana goobta soo gaaray ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ka socda.

Dhanka kale mudooyinkii dambe kooxo bastooladaha ku hubeysna ayaa kordhiyay dilalka ay ka geystaan Magaaladda muqdisho.