Qoor-qoor waa Nin Qaran oo u Qalma Madaxweynaha Galmudug

Tartan adag oo loogu jiro xilka Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa si xawli leh u soconaya, siyaasiyiin culus ayaa ku loolamayo xilkaasi, musharaxiin dhawr ah ayaa illaa & haatan soo Bandhiggay musharaxnimadooda, halka ay kuwo kalana Jidka ku soo jiraan!

Inkasta oo musharaxiintu ay badnaan doonaan ayaa haddana waxaa la saadaalinayaa musharaxa ugu dhaw ee xilkaasi ku soo bixi kara inuu yahay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dawladda Federaalka Md, Axmed Cabdi Kaariye {Qoor-qoor}, musharaxaan ayaa u muuqda inuu ka fursado badan yahay ragga xilkaasi kula tartamayo.

Axmed Cabdi Kaariye oo la tilmaamo inuu Musharax u yahay Dawladda Nabad iyo Nolol ayaa 12-kii bishan magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay inuu u taagan yahay qabashada xilka Madaxweynaha Galmudug, xaflad aad u ballaaran oo lagu shaacinayay Musharaxnimadiisa ayaa maalintii khamiista aheyd ka dhacday G/Banaadir.

Xafladaasi oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Senotaro, Xildhibaanno, Wasiirro, Siyaasiyiin Caan ah iyo Boqollaal marti sharaf ah oo lagu casuumay munaasabaddaasi, madaxdii halkaasi ka hadashay ayaa soo dhaweeysay Musharxnimda Qoor-qoor, waxayna u rajeeyeen inuu noqdo Madaxweynaha soo socda ee Galmudug.

“Qoor-qoor waa waayo arag isku wadi karo Galmudug, waa siyaasi ruug cadaa ah oo nabad iyo horumar u Horseedi kara Galmudug-ta la dhisayo “ ayay yiraahdeen Madaxdii halkaasi ka hadashay, kuwaasi oo Qoor-qoor ku sifeeyay inuu yahay min Qaran oo u Qalma inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug.

Mushrax Qoor-qoor oo xafladdaasi ku soo bandhiggay barnaamijkiisa siyaasaddeed ayaa sheegay inuu mudnaanta koowaad siinayo Arimaha Amniga, Caddaaladda, Nabadeynta, Caafimadka, Waxbarshada iyo sidii uu isugu wadi lahaa ummadda reer Galmudug.

Taageerayaasha musharaxaasi ayaa ku kalsoon inuu noqon doono Madaxweynaha cusub ee Galmudug, iyaga oo aaminsan in musharxooda uu yahay midka ugu mudan ragga ku loolamayo xilkaasi,

Ma sahlano in si fudud lagu noqdo Madaxweynaha Galmudug, tartan adag ayaa la filayaa in musharxa Nabad iyo Nolol uu kala kulmo musharax ay wadato Damul jadiid, lama oga inta wareeg ee la isla gaari doono hasa yeeshee waxaa la rumaysan yahay ugu dambeyn inuu adkaan doono Qoor-qoor oo la hadal-hayo inuu ka fursaddo fiican yahay musharxiinta kale.

Qoor-qoor ayaa noqonayo haddii uu xilkaasi ku guuleysto Madaxweynihii Seddexaad oo ay yeelato Galmudug-ta midaysan.

Shiiqaalow Xassan