Ku Samir: Maxay Soomaalida ku ducaystaan?

Somalidu waxa ey Ku duceysataa ” Allow kuwii i duugi lahaa aanan duugin” oo ay uga jeedaan Alloow Caruurteydu yey iga hor geeriyoon, si aad taa ugu samirto fiiri, Aabahaan.

Aabe ayaa wuxuu dhalay 7 Caruur ah, 3 wiil iyo 4 gabdhood.

Wiilkii 1aad waxa uu Ka geeriyooday isaga oo Jiro 2 Sanno iyo dhowr billood.
Wiilkii 2aad na waxa uu Ka geeriyooday isaga oo jiro 1 Sanno & bar.
Wiilkii 3aad na waxa uu Ka geeriyooday isaga oo jiro 17 Billood oo weli Naaska Hooyadii nuugaya.

Gabdhii 1aad waxay geeriyootay iyada oo 28 jir ah, Gabdhii 2aad waxay geeriyootay iyada oo 21 jir ah. Gabdhii 3aad waxay geeriyootay iyada oo 27 jir ah.

Dhamaan Wiilashiisii: Qaasim, Cabdullahi iyo Ibrahim, Gabdhiina: Seynab, Ruqiya, iyo Umu kaltuum waxay geeriyoodeen, Geeridiisii Ka hor.

Fatima oo kaliya ayaa u hartay oo nooleed Geeridiisii kadib , Aabahaasi waa Rasuulkeenii Muxamed CSW.

Adiguna u samair haddii kii ku duugi lahaa aad duugto, Allahii Ku siiyay Ka bari bedel khayr leh.

Carrurtaada kuwa duceeysan oo Ku duugo ALLA ha kaaga dhigo, Aamiin.

Qore: Yahya Amir