Warbixin: Dib u dhac Ku yimid doorashooyinka qof iyo cod in ay ka dhacdo dalka 2020

Hordhac

Warbixinta hordhaca ah ee guddiga baarlamaanka sharciga doorashooyinka qaranka, qodobbada hoos ku qoran ayaa ka mid ah caqabaddaha ku hor gudban qabsoomidda doorashada qof iyo cod in ay ka dhacdo dalka.

Dib-udhigista Doorashooyinka 2020-ka
Sida lawada filayo in ay dalka kadhacdo doorasho 2020-ka ayaa ah qorshaha ugu weyn ee dowladda federaalka horyaalla, guddiga doorashooyinka qaranka ayaa loo igmaday in ay fuliyaan qabashada doorashada 2020-ka, iyadoo lawada ogsoon yahay duruufaha kala duwan ee dalka kajira iyo heerka wacyiga siyaasadda dalka gaarsiisan yahay, waxaa kaloo xusid mudan in si durugsan loo fahmo awoodda fulineed ee guddiga doorashooyinka qaranka uu leeyahay iyo baahiyaha ay qabaan.

Caqadaha ku hor dadban guddiga doorashooyinka qaranka ayaa ah mid ka baxsan itaalka guddigu leeyahay, filashada natiijo siyaasayadeed ee umadda soomaaliyeed ku qanci karaan ayaanan la-jaan-qaadi karin baahiyaha baaxadda leh ee guddiga doorashooyinka qaranka ku gadaamman, duruufaha dhaqaale ee guud ahaan dalka kajirta iyo khibrad yarida qabashada doorashooyinka qof iyo cod dalka ka qabsoonta, waxaa sii wehliya saan barashada hay’adaha dowliga curdanka ah ee dalka ka dhisan gaar ahaan guddiga doorashooyinka qaranka.

Caqabaha hortaagan qabsoomidda doorashada 2020-ka, waxay u qaybsantahay shan qaybood oo kala ah, awoodaha guddiga doorashooyinka leeyahay, fahamka shuruucda doorashooyinka, dhismaha xisbiyada billawga ah, wacyigalinta bulshada colaadaha kasoo baxaysa, iyo amni xumada dalka kajirta, waxaa qasab ah in la dul- istaago shantan mushkiladood ee u baahan xal u helid kahor inta aysan qabsoomin doorashooyinka 2020-ka.

Guddiga madaxa bannaan ee dooraahooyinka.
Haqab-tirka baahiyaha horyaalla GMDQ ayaa ah u dub-dhexaadka gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, oo ay ugu horreyso helidda dhaqaale ku fillan oo ay ku fuliyaan howlaha doorashooyinka, duruufaha haysta GMDQ waxaa kamid ah helista qubaro iyo aqoonyahanno ku xeel dheer howlaha doorashooyinka ee wadamada dagaallada sokeeye soo mareen ama weli kudhexjira, islamarkaan khibrad mug weyn u leh geeddi- socodka qaran-dhiska wadamada bulshooyinkiisa kala irdheysan yihiin.

Caqabadaha GMDQ haysta waxaa ka mid ah, ballaarinta xarumaha, qorista shaqaalle kufillan iyo tababaridda howl-wadeennada GMDQ, qabashada doorashooyinka waxaa aasaas u ah in maamulada dalka kajira raali ka yihiin in GMDQ ay ka howlgalaan dhammaan goobaha ay ka taliyaan maamul goboleedyada, iyo in ay helaan dammaanad- qaad buuxa, islamarkaana GMDQ u madax bannaan yihiin qabasashada howlahooda.
Sharciga doorashooyinka.

Fahamka shuruucda doorashooyinka iyo sharciga axsaabta siyaasadda ayaa ah sharciyo ku adag in xisbiyadu fahmaan ama ay u hoggaansamaan si xisbiyadu uga qeyb galaan tartanka doorashada 2020-ka, qodobada ugu adag sharciga doorashada ayaa liddi ku ah heerka awoodda dhaqaale oo ay xisbiyadu gaarsiisan yihiin, sida bixinta qidmadda(Shan boqol iyo konton kun oo doolar) $550,000 ee ah diiwaangalinta musharaxiinta 275-ta xisbiyada iyagoo isu dheellitiraya beelaha soomaaliyeed si ay u helaan matalaad simman, qodobadan ayaa ah shuruud caqabad weyn ku noqon kara xisbiyada.

Axsaabta siyaasadda waxaa waajib ku ah in ay buuxiyaan shuruudaha sharciga axsaabta kahor inta aysan ka qaybgalin tartanka doorashada, oo ay ugu muhiimsan tahay in Xisbi walbaa uu la yimaado ugu yaraan 10,000 oo ruux kana kala imaanaya 9 gobol oo ka mid ah 18 gobol oo uu waddanku ka kooban yahay, sharciga doorashooyinka 2020-ka oo aan Dimuqraaddiyadeysnayn iyo buuxinta shuruudaha sharciga axsaabta oo ay ku adagtahay in xisbiyadu dhammeystiraan ayaa ah shuruuc adag oo aanan ku habbooneyn wacyiga siyaasiga ah ee dalka kajira.
Dhismaha Xisbiyada.

Xisbiyada siyaasadda waxaa aas-aasaya dad ku midoobay aragti siyaasadeed iyo mid maamul oo ay doonayaan in ay ku dabbaqaan dalka marka ay ku guuleystaan tartanka doorashada, dhismaha xisbiyada waxaa ugu horreeya isu imaatinka siyaasiyiinta doonaya in ay dhaqan galiyaan afkaartooda siyaasadeed si ay ugu heshiiyaan qaab- dhismeedka xisbiga iyo shuruucda tiirarka xisbiga dhexdiisa ah, waxaa kaloo kamid ah tiirarka dhismaha axsaabta biseylka iyo heerka aqoonta siyaasiyiinta askumaysa xisbiyada, islamarkaana awood dhaqaale u leh suuq-gaynta aragtida xisbiyada iyo qarashaadka ku baxa xafiisyada xisbiyada, xisbiyada hanaqaadka ah ee dalka ka abuurmaya ayaa u nugul u hoggaansanaanta hanaanka dimoqraafdiga ee xisbiyadu lagu dhisayo, koboca xisbiyada ayaa ah mid u baahan muddo ay uga qaangaaraan murannada xisbiyada socod-baradka ah ay la kulmaan, si ay u xambaaraan masuuliyadaha qaranka.
Wacyi-galinta bulshada.

Heerka wacyiga siyaasadda ee bulshada ayaa ah mid saamayn badan ku leh dagaalladii sokeeye ee dalka soo maray, islamarkaana ka dhex abuuray shaki iyo is aaminaad la’aan daahisay geeddi socodka qaran-dhiska mudada dheer soi jiitamayay, damqashada xanuunka dhaawaca gaaray ruuxda qaranka ayaa ku xayn-daabay bogsiinta nabarrada gaaray damiirka iyo garaadka umadda soomaaliyeed, maamuladii dalka soo marayna marnaba iskuma howlin burcad-isu-marinta laabta walaalaha soomaaliyeed ee kala irdhoobay mudada fog.

Wacyi-galin siyaasadeed kaliya laguma abuuri karo kalsoonida umadda laga doonayo in ay aqbasho xalaalnimada tubta qaran-dhisidda lagu howlanaa 18 sanno ee lasoo dhaafay, waxaana daliil u ah sida bulshada u saluugsanayd cadaaladda maamulada dalka soo maray ama kajira, sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in wacyi- galinta siyaasadda lagu billaabo baridda dhammaan shruucda doorashooyinka, iyo kan

axsaabta si ay ufahmaan wadiiqadda loo marayo ka qaybgalka siyaasadda, waxaa ay bud-dhig u tahay wacyi-galinta siyaasadeed ee lagu yag-leelayo qarannimada.
Xaaladda amni.

Xaaladda amni xumo ee dalka ka taagan ayaa ah mid marag-madoonto ah, dagaallada argagaxida ay ka wadaan dalka wuxuu hor istaagay dhammaan horumarka nololeed iyo kan dowladeed, islamarkaana shacabka ka quusiyay suurtagalnimda in laga gaaro guul dhammaystiran ururada argagaxisada wadanka jooga.

Ciidamada qalabka sida ee JFS ayaa hareeyay caqabado gaarsiisan heerka ugu hooseeya, mushaar yari, qalab yari, iyo tayada la’aanta maamul ee ciidanka, duruufahan oo sabab u noqday in aysan kufilnaan dagaallada lagaga hortagayo argagaxisada iyo sugidda amniga qaranka guud ahaan.

Dhowridda nadab galyada xilliyada doorashooyinka ay dhacayso ayaa u baahan cudud amni oo la,isku halayn karo iyo ciidan u carbisan ilaalinta habsami u socodka hannaanka doorashada iyo dhowridda hab-dhaqanka dimoqraaddiga ah ku sallaysan isla markaana ciidamadu ixtiraamaan aragtiyaha kala duwan ee xisbiyadu leeyihiin, masuuliyadaha amni iyo tan xaq-dhowrka ee kuxeeran qabsoomidda doorashada ka dhacaya dalka 2020-ka ayaa kabaxsan khibradda iyo awoodda ciidamada qalabka.
Ururada argagaisada ayaa sababay dhibaatooyin hor leh oo ay ugu weyn tahay is- hortaagga dhamaan hanaanka qaran dhiska, sida handadaadda, caga-jugleynta iyo dilkaba oo ay ku hayaan guud ahaan shacabka gaar ahaan odayaasha dhaqan iyo xubnaha ergooyinka soo doortay xildhibaannada baarlamaanka hadda shaqeynaya, ururada argagaxida ayaa ku howlan duminta qaranka oo ay ugu horeyso fashilinta howlaha lagu dhissayo goleyaasha aasaas u ah qarannimada sida doorashooyinka, caqabaddan ayaa ah halis joogta ee ku gudban guud ahaan shacabka iyo qaranka ayaa ah dhibaato baaxad leh una baahan xal u heli waara.

Somaliland

Shacabka kunool deegaannada waqooyi waxaa ay xaq u leeyihiin dhammaan xuquuqaha aasaasiga ah ee dastuurka siinayo oo ay kamid tahay xaqqa ka qayb qaadashada tartanka doorashada (in ay qofka ay doonaan doortaan, iyagana ladoorto), balse waxaa hubaal ah in xilligan la joogo aynaan suurtagalka ka ahayn in deegaanadaas lagu qabto doorasho federaal ah, waxaana cad in shacabka deggen gobollada waqooyi aynan fursad u heli doonin in ay ka qayb galaan doorashooyinka federaalka Soomaaliya, iyadoon xal loo helin gooni isu taagga maamulka ka jira gobollada waqooyi.

Talo Soo Jeedin

Guddiga baarlamaanka ee Sharciga doorashooyinka wuxuu soo jeedinayaa, dhammaan xal uhelidda caqabadah iyo duruufaha kor ku xusan ee u baahan muddo ku filan si loo gutto waajibka dastuuriga ah ee ah in doorasho qof iyo cod ah dalka kadhacdo, sidaas darteed waxaa habboon in dib loo dhigo qabashada doorashada 2020-ka muddo labo sanno ah, si dalku dib ugu noqonin ismari-waayadii siyaasadeed ee ku horgudbanaa dhismaha qaranka Soomaaliyeed sannadihii nadhaafay.
Mahadsanid.

QABYO QORAAL.