Wararkii ugu Dambeeyay Qarax ay ku dhinteen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ka dhacay duleedka Magaalada Balcad.

Warar isa soo taraya ayaa ka soo baxaya qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lagula eegtay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa Kolonyo ay la socdeen Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe iyo Mas’uuliyiin kale lagula eegtay xili ay marayeen deegaanka oo ku yaalla inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

Qaraxa ayaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana inta ku geeriyooday Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada Sh/Dhexe Cabdullaahi Shitaawe iyo iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan,kuwaasi oo ka baxay Degmada Balcad kuna sii jeeday Magaalada Jowhar.

Waxaa kaloo la sheegay in qaraxa uu ku dhintay Xasan Axmed Cosoble oo ka mid ahaa Shaqaallaha Hay’addaha Gargaarka oo ka howlaa Degmada,isla markaana ahaa Nin Caan ka ahaa gudaha degmadas.

Ciidamo iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Degmada Balcad ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,iyagona halkaas ka soo qaada Meydka Mas’uuliyiinta geeriyooday iyo dadkii ku dhaawacmay qaraxaas.

Wadada u dhexeysa Magaalada Jowhar iyo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay Weeraro iyo qaraxyo lagu dilay Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle,kuwaasi oo Mas’uuliyada sheegatay Al-shabaab.