Somaliland oo ka baxday Heshiiskii ay la Gashay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta shaaciyay inay ka laabteen heshiiskii garoonka diyaaradaha Berbera lagaga dhigayay Saldhig Millateri oo Imaraadka Carabta leeyahay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Saldhigga loo baddalay Garoonka diyaaradeed ah oo ah mid shacab,isla markaana haatan loo dhisi doono qaab casri ah uuna kamid noqon doono kuwa ugu waa weyn Afrika.

“Garoonkii Berbera ee in badan laga murmaayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil Maanta”ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadlay in Garoonka diyaaradaha Berbera laga dhigayo mid ay ku soo dagaan Diaayarado Caalami ah.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa tilmaamay in shirkadda dhisaysa Garoonka ay iman doonto todobaadkan,hase yeeshee ma uusan shaacin shirkadda dhisaysa cidda siisay iyo weliba cidda maamulka garoonka gacanta ku haynaysa.