WASIIR QOORQOOR FARRIIN CULUS AYUU DIRAY!

Waxaa maanta Muqdisho Musharraxnimadiisa Madaxtinimada Galmudug kaga dhawaaqay Wasiir Hon Ahmed Abdi Kaariye QoorQoor.
Dabcan Qoorqoor ma ahan masuulkii ugu horreeyey ee ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka Madaxtinimada Galmudug, balse waa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu cad cad in ay xilkaasi qabtaan, waaba haddii uusan aheyn shaqsiga ugu cad cad xilligan.
Md. Axmed Qoorqoor wuxuu sameeyey seddax arrimood oo aan hortiisa la sameyn, kuwaas oo kala ah.
1. Inuu dhigtay Xafladdii ugu weyneyd, uguna diyaargarowga badneyd inta hadda la dhigay.
2. Wuxuu isu keenay siyaasiintii ugu muhiimsaneyd Galmudug ee la dhihi karay talo waa ay ka go’daa, kuwaas oo qaarkood ay xaflado hore ka qeyb galeen, balse qaar badan ay ugu horreysay tiisa.
3. Wuxuu muujiyey awood siyaasadeed iyo inuu leeyahay garbo badan oo uu ku duulo, kuwaas oo uu kaga tashan yahay in ay ku caawiyaan guusha uu ka filayo doorashada Galmudug.

Intaniba waa wax laga filan karay qof musharrax ah oo u taagan xil, waana la sameyn karaa gadaashiisa. Hase yeeshee Qoorqoor waxaa uu dhigay wacdaro laga baran karo dhawr cashar.

1. Wuxuu muujiyey isku kalsoonaan iyo inuu isku hubo qabashada xilka uu u istaagay, taas oo direysa farriin dhanka musharrixiinta 10ka ku dhow ee la tartami doona.

2. Wuxuu jeediyey qudbad ay ka muuqatay diyaarsanaan badan, taas oo direysay inuu doonayo inuu siyaasad deggan kula shaqeeyo Dowladda Federaalka ah, maadaama ay Dowladda Federaalka ah iyo Maamulo uu ku jiray Galmudug ay muddo ku dhibanaayeen sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen.

3. Wuxuu u muuqday qof sameystay caleemo saar hordhac ah oo huba inuu guusha helayo. Kama muuqan walwal ah inuu xilkaasi kaga guuleysan karo qof kale oo asaagiisa ah qofka uu doonaba ha ahaadee. Taasi waxaa ay direysay farriin muggeeda leh oo ku socotay musharrixiinta kale.

Haddaba, Axmed Qoorqoor oo ah siyaasi muddo dheer soo shaqeeyey, heerar maamul hoose illaa mid sarena soo maray, waxaa la filan karaa inuu maalmaha foodda inagu soo hayo loo caleemo saaro Madaxweynaha Galmudug, iyadoo ay dhici karto in xilkaasi musharrax kalena uu ku guuleysto maadaama ay madashu tahay doorasho iyo cod.
Waxaan u rajeynayaa inuu hadafkiisa ku guuleysto, haddii uu guuleystana inuu Ilaahey ka dhigo mid isku wada bulshada Galmudug iyo dowladdeeda.