Siyaasiyiin, Ajnabi ku soo Qanciyay Dalkaagu waa faqri ee iska saxiix Badda iyo Berriga ayaa rabo inuu…!!!.=Nasashada Jimcaha.Q-165aad=

1-Nin Cadaan ah ayaa markii uu safarka ka soo noqday, waxa uu u yimid Xaaskiisii oo cadaan aheyd oo Cunug Madoow dhashay. Waxa uu ku yiri: sideey ku dhacday? Waxa ey tiri: Markii uu dhashay waa caddaa, laakin Nafaqa daro ayaa ka muuqatay, kadibna Naag madoow ayaan u dhiibay oo nuujisay. Jawaabtaa waa ku qanacy Ninkii.

Ninkii Hooyadii ayuu u sheegay sheekadii. Hooyadii oo careeysan ayaa ku tiri: wey dhici kartaa, Adiguba markii aad dhalatay Caano Lo’aad ayaan ku siiyay, marba marka ka dambeeysana sida Lo’dii ayaad u fekeree. Hoos ayeey u tiri: Doqon. ( F.S: 1aad)

(Siyaasiyiin, Ajnabi ku soo Qanciyay Dalkaagu waa faqri ee iska saxiix Badda iyo Berriga ayaa rabo in uu Anagana nagu qanciyo………)

2-Waxaa la yiri: Kabahu si kasta oo ey Qaali u yihiin ama ey u qurux badan yihiin, Madaxa lama gashado.. Siyaasiyiinta Qaarna si kasta oo ey u hadal wanaagsan yihiin lama aamini karo Mucaarad & Muxaafad key noqdaanba, wax hubso). (F.S: 2aad)

3-Nin Gaala oo Baadari ah “priest” iyo Naag Soora ah “ wadaadad Gaalo=Nun” ayaa waqtigii Isticmaarka loo diray in ey Sahan Basaasnimo ku aadaan Lama Degaanka Carabta. Waxa ey wateen Neef Geel ah “ Hal” u rarneed, Hashii ayaa dhulka ku dhacay kana dhimatay, Lama degaankii ayeey ku lugeeyeen, Rafaad iyo Baahi kadib waxa ey dareemeen in ey dhimanayaan. Baadarigii ayaa yiri: u maley maayo in aan sii noolaan doono.

Marka inta aanan dhiman hal ixsaan ma ii sameyn kartaa? Waxa ey tiri: Haa. Waxa uu yiri: Sida diinteenu qabto , Baadariga iyo Baadariyadda waa ka mamnuuc in ey Guursadaan. Sidaa daraadeed weligeey ma arag Naas naageed, ma i tusi kartaa Naas kaaga? Waxa ey ku tiri: Xaalada adag ee aan ku jirno darteed haa, weyna tusisay. Aad ayuu uga helay. Waxa uu ku yiri: ma taaban karaa? Waana taabtay.

Waxa ey ku tiri: Baadari, Aniguba weligeey ma arag Xubinta Ragga, ma i tusi kartaa?. Baadarigii ayaa yiri: Haa. wuuna tusay. Waxa ey tiri: Ma taaban karaa? Waxa uu yiri: haa, laakin xubintiisii ayaa bilaawday in ey sii dheeraato oo kor u istaagto.

Baadarigii oo Hamuunu ka muuqato ayaa yiri: Kitaabka Beeybalka Cusub waxaan ku arkay, in haddii Labada xubnood ee Taranku is dhax galaan, in uu dhacaan meyd ahi isku bedelayo noole, Meydkuna uu noolaanayo, ma tijaabinaa si aan u badbaadno oo Meydku u noolaado. Waxa ey tiri: haddii ey taasi Run tahay. Hashaan naga dhimatay dabada ka gali, si ey u noolaado, oo aan u badbaadno. (F.S: 3aad)

( Ar shukaansiga Shirkadaha Shidaalka ma la iska fiiriyoo, Danta ey leeyihiin iyo Damacaagu yeyna ku duleeyn )

4-Gabar aan Garoowe ku arkay, ayaan weeydiiyay, waa maxaay Magaalada, Raggu waa wada Madoowyahay, Haweenkuna waa wada cad yihiin: waxa ey iigu jawaabtay, Maahmaah aanan weligey maqal.

Waxa ey tiri: (( Rag Make up ayaa lagu soo Xera galiyaa, Madoowna waa lagu dhaqaa))

Waxaan ku iri: soow midab been ah ma ahan? Waxa ey tiri: Adinkuba waxaad ku maahmaahdeen ( Dumar Beenaa lagu soo Xera galiyaa, Runna waa lagu dhaqaa)) . waxaan ku iri: waxaa habooneed, sida Baakadka Sigaarka loogu soo dul qoray “Sigaarku Caafimaadkaaga ayuu u Daran yahay, in Baakadka Make up kana lagu soo dul qoro “ Beentu waa xaaraan”. Waxa ey tiri: Duqa Ga’iga siiso, Lama kala been yaree.

( Siyaasiyiintuna Doorashada ka hor Make up siyaasadeed miyeey shacabka u marsadaan, kadibna ..….? Ganacsatada Somalidu sida nolool loo abuuro waa yaqaaniin laakin sida loo noolaado ma yaqaaniin, siyaasiguna sida Xil loo Doonto waa yaqaan Laakin…… )

5-Mid quustay oo Qurbaha ka yimid, ayaan subaxaan noo yimid Anniga iyo koox Arday ah, waxa uu nagu yiri: Anigu Somali nimada waan nacay, waana ka quustay, Nabad iyo Horuumarna ka sugi maayo, kaligeey ayaan iska noolaanayaa, Dadna uma baahnin.

Waxaan ku niri: Annagu waan isla joogeynaa Qur’aanka ayaa na faray in aan isla joogno, Dunida wada jir iyo isku duubni ayaa lagu noolaadaa, Khayr Allana lagama quusto ee Adigu haddii aad Rabto kali nimo iyo in aan Dad ku cariirin. “iska sug Qabriga, isagaan laguugu cariirineeyn oo aad kaligaa tahay” Somaliyu inta ey Dunidu jirto waa wada jiree.

( Far kaliya Fool ma dhaqdo, ee wadajirka hala ilaaliyo )

6-Nin Somaliya oo Shaqa Doon ah oo aan Sharci leheey,ayaa saf u galay Goob Shaqo ka socotay Dalka Sucuudiga. Maamulihii Sucuudiga ayaa yimid: Mid ayaa ku yiri: Sabaaxal kheyr, Sucuudigii ayaa ku jawaabay, Sabaaxa Nuur wa “Suruur”. Nin soomaalidii ka mid ahaa ayaa orod jabsaday oo ka baxsaday Goobtii.

Markii la weeydiiyay waxa uu yiri: Sharci malihi, Carabkuna waa i aqoonsaday, Somalidu Xaasidsanaa! Yaa u sheegay Qabiilkeygu in uu “Saruur” yahay?. ( F.S: 4aad)

( Somali Dhagaheeda iyo Dugteeda, wixii ey maqasho ama Dareentu, Qabiil ayey u macneynee, Alloow Qabyaalada dareenkeeda, Dareen Qarannimo noogu bedel)

Qore: Yahya Amir