RW Kheyre ”Odoyaasha reer Hiiraan waxna ma kordhiyaan waxna ma nusqaamiyaan…”

Raiisul-wasaare Kheyre waxuu yiri odoyaasha reer Hiiraan waxna ma kordhiyaan waxna ma nusqaamiyaan ee caruurta ciidanka ah haleey soo wado oo dhuusomareeb hala keen, Warkale uma baahni.

Raisul-wasaaraha hadalkas waa ku raacsanahay waa hadal xaqiiqo ah.

Odoyaashaal damiir aan laheeyn ayaa waxey soo doorteen kuwa siyaasiin isku sheegayo oo aan damiir iyo aragti fog aan laheeyn oo ilmahoodii dibada geeystey oo usoo shaqo tagey masaakiintaa iska dhiban

Goodax iyo Nuur Iidow markii eey Baladweyne tageen isbuucii hore lacagtii eey keeneen iyo odoyaashii eey la hadleen wali howsha ma bilaabin.

Ilmaha askartaa iska dhiiba xawaadle inta hada abaal niilaga haayo
Hadii kale waa naliiga wadanaa idinkoo indhahiina shanta ah.

Sababtoo ah ugaaskiina ayaa shaley meel cidla ah uga tagteen.

Waare, goodax, Cali Caraale Inta eey joogaan mayo iska ilaaliya Xawaadle, samir badana yeesha inta doorashada dambe la gaarayo.

Hadii aad dadnimo iyo dameer iyo magacii hiiraan in uu soo laabto aad rabtaan dadka aad soo dooraneeysaan ka fiirsada.

Dadka hiiraan nala degan ee walaalaheen ahna wax la qeeybsada oo la tashada oo hala soo celiyo walaaltinimadii iyo jaceylkii reer hiiraan ka dhaxeeyey kadib ayaan dowlada federalka ah aan iska celin karnaa oo aan runta u sheegi karnaa anagoo markaas xitaa wax xaq ah aan ku doodeeyno ama aan ku dagaalameeyn.

Sabraa Halane