Kulan Culus oo laga Yeeshay Maqaam u Samaynta Muqdisho!

Kulan aad u culus oo looga hadlayay arimo badan oo is-dulsaaran ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankaasi oo macnayaal kala duwan laga bixiyay ayaa waxaa isugu yimid Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed {Finish}, Guddoomiyaha Arimaha Dibadda ee Baarlamaanka ahna Hogaamiyaha Xisbiga Ileys Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Xildhibaan Mina Xasan Shibis iyo Masuuliyiin kale.

Warrar kala duwan ayaa laga faafiyay kulankaasi, warbaahinta G/Banaadir ayaa sheegtay in kulankaasi uu la xiriiray salaan iyo Hambalyo ay Xildhibaannada kale ah Cosoble, Mina iyo Yuusuf Kabaale ay ugu tageen Duqa Muqdisho!

Dhinaca kale warrar ayaa sheegayo in kulankaasi si weyn loogu Gorfeeyay arimo la xiriira Maqaam u samaynta Muqdisho.

Guddoomiyaha Arimaha Dibadda Baarlmaanka Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa muddooyinkaan dambe ku hawlanaa sidii ay Muqdisho u heli laheyd Maqaam u gaar ah, kaasi oo lagu caddeeyay Dastuurka Soomaaliya.

Laga soo bilaabo Dawladdii Carte illaa iyo haatan waa la sheegaa Maqaam u samaynta Muqdisho, wallow aan wali lagu guuleysan!

Shiiqaalow Xassan