Howlgal CXD ka fuliyeen degaanka Jilib Marka oo Al-Shabaab khasaare ka soo gaartay.

Marka:-Howl-gallo baaxad leh oo ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 14 Oktoobar ka fuliyeen degaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu bur-buriyay fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen malleeshiyada Al-Shabaab.

Howlaglkan oo Ciidanka xoogga fuliyeen Xalay ayaa sidoo kale waxay halkaasi ku dileen ugu yaraan Lix xubnood oo ka tirsanaa nabad-diidka, iyagoo sidoo kale kala wareegay Hub iyo Saanad Millitari.

Qaar ka mid ah Saraakiisha xoogga Dalka ee hoggaamineysa dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ayaa Warbaahinta Qaranka Soomaaliya u sheegtay in ay weli halkaasi ka wadaan howlgallo lagu baacsanaya haraadiga Kooxda Al-Shabaab welina ay ku raad joogaan