SIYAARADA CAALIMKII WEYNAA EE SH.CABDI CELLI WAA XUS DIIMEED LOO WADA SIMAN YAHAY

Sannad walba marka la gaaro Bisha Koowad (1) ee Hijriyada Islaamka ee loo yaqaano MUXARAM ama ZEKO, idil ahaan waxaa daafyaha Caalamka si baahsan looga sameeyaa Siyaarada Caalimkii weynaa ee ummadda Soomaaliyeed Waliyullaahi Sh. Cabdi-raxmaan Sh. Cumar Sh. Maxamed Sh. Da’uud oo lagu naaneyso Sh. Cabdi Celli.

Soddonka (30) cisho ee Bisha Muxaram waxay Siyaarada Sheikha si xiriir ah uga kala dhacdaa adduunka oo dhan, xuska ugu weyn ee siyaaradaasi waxa uu sannad kasta ka dhacaa Xarunta faca weyn ee ku caan baxday Fidinta Diinta iyo Barashada culuumta Shareecadda Islaamka ee Warshiikh, halkaasi oo ah goobta uu ku aasan yahay Nuur badanihii Sh. C/raxmaan Celli.

Kumanaan muslimiin ah ayaa sannadkii hal mar waqtigaan oo kale ku kulma Siyaaradaasi, looma kala hara ka qeyb-galkeeda, qeyb walba oo bulshada ka mid ah kama maqnaato halkaasi, Madax Dawladdeed, Siyaasiyiin, Madax Dhaqan, Culumaa’udiin, Diplomaasiyiin, Haween iyo cid kasta oo muhiim u ah dadka Soomaaliyeed ayaa si furan uga qeyb qaata Siyaaradaasi.

Taariikh-ahaan Shiikh Cabdi Celli waxa uu abaarihii 1895-kii ku dhashay deegaanka Qoriloow ee Degmada Warshiikh, dhalasho ahaan wuxuu ka soo jeedaa qoys Culumo ah, kuraynimadiisii (yaraantiisii) ayuu ku najaxay inuu dusha ka xafido Quraanka kariimka ah, isla markaana barto kutubta cilmiga diiniga ah, isagoo barashada diinta u tagay Galbeedka iyo Koonfurta Soomaaliya illaa uu ka noqday Caalim weyn oo la xushmeeyo.

Ardayda ka aflaxday intii uu noolaa Shiikha waa sida xiddigaha oo kale waxaana wax ka bartay oo ka diin qaaday Boqollaal xer ah oo markii dambe noqday Culumo waa-weyn, kutubtii uu Shiikhu akhrin jiray oo ahaa Badweyn ayaa haddana waxaa ka xusi karnaa TAFSIIRKA, RIYAALU SALAAXIINKA, AXKAAMTA, FIQIGA, NAXWAHA, SARFIGA IWM.

Xarumaha iyo Masaajidyada uu kutubta ka gali jirey waxaa ka mid ahaa Masjidka Jaamacadda Shingaani, Mowlicii Degmada Boondheere, Xaruntii Degmada Cadale, Markaskii Degmada Baraawe oo uu tagi jirey qeyb ka mid ah sannadka iyo Fariisinkiisii Degmada Warshiikh.

Allaha u naxariistee Shiikhu wuxuu dajiyay kutubo aan yareyn, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen NAXWAHA, SARFIGA & QASIIDOOYIN NABI AMMAAN AH, Jaa’isada Shiikhnimada waxa siiyay reer Sh. Aweys Al-qaadiriyi.

Geeridu waa xaq, waana halka lagu dambeyn doono, ma dhinte waa Illaah ee Allaha u naxariistee Sheikh Cabdi Celli wuxuu ifka ka wareegay 1981-kii waxaana lagu aasay saldhigiisIi Degmada Warshiikh, intii uu nolaaa Shiikhu wuxuu u go’ay fidinta diinta islaamka, darajo ahaana wuxuu gaaray inuu noqdo Mufti loo soo doonto qeybaha kala duwan ee diinta iyo ka jawaabida su’aalaha diiniga ah.

Dhaqan ahaan wuxuu ahaa deeqsi aan la gaari Karin oo hoygiisa aaney waxba ku baryi jirin, sifo ahaan wuxuu ahaa Astaanta Degmada Warshiikh, geeridii Sheikha kadib waxaa khaliifnimadii la wareegay SH. Muxumed Sh. C/raxmaan oo isna geeriyooday, haatana waxaa hawshii Shiiqnimada haya SHIIKH Qaasim Sh. C/raxmaan Alle ha xafidee.

Kumanaan dad ah o ka kala tagey Magaalooyiin aad u fara badan ayaa haatan ku urursan Degmada Warshiikh oo 65-K.M u jirta magaalada Muqdisho, ujeedka muslimiintaasi waa sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Siyaarada Shiikhooda, iyagoo Alle dambi dhaaf ka baryaya, una duceynaya guud ahaan ummaddaha Islaamka ah gaar ahaan dadka Soomaaliyeed si sannadkaan kiisa kale ay ugu gaaraan nabad iyo wanaag.

Shiikhaalow Xassan