Seminaar sida looga faa’iideysto kheyraadka dalka oo Jaamacada Banaadir lagu qabatay

SEMINAAR LA SOO GEBAGEBEEYAY

Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 11 sebtember 2019 lagu qabtay xarunta dhexe ee Jaamacadda Benadir Km 5 agagaarka Soobe seminaar looga hadlayay SIDA LOOGA FAA’IIDEEYSAN KARO KHEYRAADKA DALKA. Seminaarka waxaa soo jeedinayay Eng. Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi oo ka mid ah aqoon yahanka Soomaaliyeed ee k u hawlan sidii looga faaiideysan lahaa kheyraadka dalka.

Seminaarka waxaa ka soo qeyb galay dad fara badan oo isugu jiray shaqaale wasaaradda beeraha, ganacsato, macallimiin, ardaydii horey uga qalin jebisay Kulliyadda Baaraha Jaamacadda Benadir qaar iyo arday ka socotay 11 Jaamacadood oo ku yaal Magaalada Muqdisho iyo dad kale.

Aayadaha quraanka ka dib Hormuudka Kulliyadda Beeraha Prof. Maxamed Cali Sheekh Cabdi ayaa ugu horreyntii uga mahad celiyay Eng. Cabdulqaadir soo diyaarinta seminaarka wuxuu war bixin ka bixixyay seminaarrada ay qabato Kulliyadda beeraha Jaamacadd Benaadir.

Seminaarka waxaa furay Prof.Jeylaani Qaasim guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Benadir ee dhinaca mashaariicda iyo horumarinta oo si fiican uga hadlay ahmiyadda ka faaiideysiga kheyraadka dalka.

Gabagebadii waxaa hadal soo jeediyay Prof. Cumar Maxamuud Kulmiye HKX Kulliyadda Xannaanada iyo caafimaadka xoolaha Jaamacadda Benadir oo runtii aad u tilmaamay faaiidada uu lahaa seminarka uguna baaqay ka qeyb galayaasha in laga faaiideysto fikradihii la soo bandhigay.

Waxaa seminarka soo xiray hormuudka Kulliyadda Beeraha oo u mahadceliyay dhammaan ka soo qeybgalayaasha iyo Eng Cabduulqaadir oo runti fikrado iyo wax lagu farxo oo horumar lagu gaari karo soo jeediyay.

Seminaarka waxaa lagu soo xiray aayadaha quraanka kariimka.