Maamulka Sh/hoose iyo Taliska CXDS oo ballanqaaday inay cirib tirayaan dhowaan haraadiga Al-Shabaab

Marka:-Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Ibraahim Aaden Cali (Najax) oo uu wehliyo Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar Gaashaanle dhexe , Axmed Cabdi Cali (Gaashaan) ayaa kormeer howleed ku tagay jiidda hore ee Ciidanka XDS.

Mas’uuliyiintan ayaa u kuur galay xaaladda guud ee Ciidanka Xoogga ee sugan degaannada Gobolka Shabeellada hoose, iyagoo halkaasi ku kala war-qaatay taliyeyaasha hoggaamineysa dagaalka lagula jira kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.

Xubno ka mid ah Saraakiisha hor kacaysa dagaalka ka dhanka nabad-ddidka ayaa sheegay in uu si xowli ah ku socdo gulufka is daba joogga ah ee lagu cirib tirayo cadowga, iyagoo wacad ku maray in ay Dalka oo idil ka sifeyn doonaan.

Mudane; Najax ayaa bogaadiyay howl-gallada baaxadda leh ee Ciidanka xooggu ku baacsanayaan haraadiga argagixisada oo laga xoreeyay degaanno badan, wuxuuna ballan qaaday in ay wax walba la garab taagan yihiin Ciidanku ka maamul ahaanna ay si weyn ugu sameynayaa dhiirri gelin dhan walba ah.

Guddoomiyaha ayaa ayaa sidoo kale sheegay in ay haraadiga Al-Shabaab ka Cirib tiri doonaan Geyiga oo idil, kana xoreyn doonaan dhowaan maatida ay xoogga ku haystaan, firxadkoodana imminka lagu raad-joogo.