Ma og tahay in Xeebta Liido Dhaliyarada Kubadda ku ciyaarto laga qaado Lacago?.

Waxaa wax lala yaabo ah in Dhalinyarada ku ciyaarta Kubadda Cagta Xeebta Liido laga qaado lacago, iyadoo lacagtaasi ay qaataan rag u soo shaqo taga Xeebta Liido.

Mid ka mid ah Dhaliyarada Kubadda ku ciyaara Xeebta Liido oo sababo ammaan u qariyay magaciisa ayaa sheegay in Subaxa hore raga lacagta ka qaata Xeebta Liido ay kooxdii ka qaadaan 2-doolar iyadoo labdii kooxood ay iska bixiyaan min laba Doolar oo Afar doolar ah, gaar ahaan Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha.

Sidoo Galabtii labada kooxood ee doonaya inay Badda ku ciyaaraan waxaa laga doonayaa 3-doolar oo Kooxdiiba waxay bixinayaan 1.5 doolar.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid ka hadashay lacagahaasi Baada ah ee ay ragaasi ka qaataan Dhalinyarada doonaysa inay Badda ku ciyaaraan, iyadoo cidii aan bixin aysan ku ciyaari karin Xeebta Liido, waxayna ragaasi lacagahaasi qaata mararka qaar ay adeefsadaan Qoriga Caaradiisa.