Ha Qaadan Number VIP ah, Haddii kale Hirig-Hirig Hurimeysid!!!

Magac-ahaan waa shirkad caan ah, waa la jecel yahay, kalsooni badan ayaa lagu qabaa, adeeg hufan ayaa laga helaa, macamiil ayaa loo wada yahay, saacad qura haddii ay istaagto magaalada oo dhan ayaa laga dareemayaa!!!

Nasiib-darro shirkaddaas oo hanatay Qalbiyada Ummadda Soomaaliyeed ayaa haddana waxaa mararka qaarkood ka dhaca qaladaad aad la yaabeyso, lama oga khladaadkaas inay ula kac u dhacayaan iyo inay si Kama’ oo aan lagu tala galin u imaanayaan.

Sannadkii 2001-dii ayaa ka mid noqday asaxaabta ku xiran Hormuud oo berrigaas loo yaqiinay Barakaat, adeggyo badan oo shirkaddaas ay bixiso ayaa si joogto ah u isticmaalaa, dhawr bilood ka hor waxaa nasiib u helay in la igu sharfo Number VIP ah.

Afar bilood kadib Numberkii waa leygala wareegay oo “Afgambi aan dhiig ku daadan” ayaa la iiga qaatay, Saakay markii uu waagu baryay ayaan ku toosay Numberkaygii oo aan shaqeyneynin, la yaab ayay arintaasi igu noqotay, wax aan sameeyo ayaan garan waayay.

Feker dheer kadib, waxaan go’aansaday inaan tago Xarunta iigu dhaw ee Hormuud si aan dhibka i haysto ula wadaago, dhacdo aan fileyn ayaan kala kulmay markii aan imid gudaha Xaruntii aan u socday, sheeko la yaab leh ayaa iga hor timid, hawl-wadeenkiii ii adeegayay ee aan u sheegtay cabashadayda ayaa Eegmo igula dhaqaaqay!

Waan yaabay, si jilcan ayaan u iri “Maxaa Dhacay? Aamus yar kdib waxa uu igu wargaliyay in Numberkaygii la qaatay, aniga oo hadalkaas la yaaban ayaan iri “Saaxiibow maxaa tiri” Su’ aashaas kadib waxa uu si fudud igu yiri “Ninyahoow Numberkaagii ruux kale oo magciisa la dul saaray, kaagii hore ayaa la siiyay”.

Orod dheer kadib waxaan ogaaday in Numberkeygii laga iibiyay shaqsi cusub, aniga oo la yaaban sida ay shirkadda wax ka noqdeen ayaa la ii sheegay in waqti hore Numberkayga la sahansadey oo la galiyay Suuqa shirkadda, gaar ahaan qeybta lagu iibiyo Numberada VIP-da ah, sidaana lagu gatay!

Saraakiil ka mid ah shirkadda oo ka xumaaday sida ay wax u dhaceen ayaa dadaal ay sameeyeen dartiis waxa uu dhaliyay in Numberkaygii dib la iigu soo celiyo, Dhacdadaasi oo maanta i Murjisay ayaa haddana waxaan uga sabrayaa wanaaga ay ii muujiyeen madaxdii aan la kulmay, Kun jeer ayaan u mahad celinayaa Asaxaabtaas!

Inkastoo aan ka xumaaday Arinta igu dhacday ayaa haddana waxaan ku Farxaan ahay inaan ahay, isla markaana aan ahaan doono Macaamil ka tirsan Hormuud.

WD:C/Laahi Shiikhaalow