Somaliland oo Telefishinnada ku amartay inay wararka Soomaaliya ku daraan kuwa dibadda

Wasaarada warfaafinta ee Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanida ee Somaliland ayaa ku amartay telefishinada madaxabanaan ee ka howlgala deegaannada Soomaliland in marka ay wararka tebinayaan ay ku billaabaan kuwa ku saabsan Soomaaliland islamarkana wararka ku saabsan Soomaaliya ay ku daraan kuwa dibadda.

Amarka ayaa waxa ay wasaaradu sheegtay in uu dhaqangali doono labo toddobaad ka dib.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda wafraafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta ee Somaliland ayaa lagu qeexay amarkan oo ku wajahan dhammaan Telefishinnada uu fadhigoodu yahay Somaliland.

Waxaa lagu yiri war-saxaafadeedka: “Wasiirka wasaaradda wafraafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye wuxuu kulan la yeeshay Telefishinnada madaxa bannaan ee Somaliland laga leeyahay, kulankaas oo ka dhacay xafiiska wasiirka waxaa lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wadashaqeyneed ee wasaaradda iyo telefishinnada gaarka loo leeyahay. Wasaaraddu waxay go’aamisay in Telefishinnada madaxa bannaan wararka ay tabiyaan soo horreysiiyaan wararka ku saabsan Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama aynu kala nahay labo dal iyo labo dowladood, sidoo kale wararka Soomaaliya ay ku daraan wararka dalka dibaddiisa, waxaany go’aankan ku dhaqan galayaa muddo labo toddobaad ah oo ka billaabmeysa maanta, 09.09.2019”.