Maleeshiyaadka Al Shabaab oo weerar ku qaaday Garbahaarey.

Inta la xaqiijiyay shan qof ayaa ku dhintay oo uu ku jiro ilmo yar oo sideed bilood jiray dagaal xalay ka dhacay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarray saldhig ciidamada dawalddu ku leeyihiin dhinaca woqooyi ee magaalada, waxana halkaas ka dhacay dagaal muddo socday.

Gudoomiyaha Garbahaarey Iimaan Caddow Kaarshe oo la hadlay BBC ayaa sheegay in kooxdii weerarka soo qaaday laga dilay afar qof, tirro kalena laga dhaawacay.

“Khasaarraha uu dagaalkaasi dhaliyay waxan ka sheegi karaa afar kooxda nabad diidka ah oo aan xaqiijinay oo waa nala yaallaan oo maydadkooda waan aragnay oo meelihii dagaaladu ka dhaceen oo aan booqanay ayaan ku aragnay, dhaawacyo kalena waa jiraan oo waxaa naloo sheegayay khasaaruhu inuu intaa kasii badan yahay xaggooda, xaqiiqiyana waa jiraan dhaawacyo askarteena ka soo gaartay oo dhimasho ma jirin” ayuu yiri Iiman Caddow Kaarshe.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ilmo yar uu ku dhintay dagaalka kadib markii rasaastii la is waydaarsanayay ay ugu tagtay gurigii uu jiifay.

Illo wareedyo kale ayaa BBC u sheegay in magaalada saaka lagu arkay maydadka sedex qof oo lagu sheegay inay yihiin kooxdii weerarka soo qaaday.

Dhanka kale illaa hadda kooxda Al-Shabaab kama aanay hadal dagaalka ka dhacay Garbahaarey.