Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Kheyre oo ku wajahan degmada Xudur

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in uu gaaro degmada Xudur ee Gobolka Bakool,iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay.

Gudaha degmada ayaa waxaa ka socda soo dhaweyntii ugu dambeysay, waxaana ammaanka sugaya Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo la filayo in wafdi hordhac u ah Ra’iisul wasaaraha ay goordhaw gaaraan degmada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu tago degmada Xudur waxaa uu halkaasi ka dhagax-dhigi doonaa mashaariicyo hormarineed,isaga oo sidoo kale booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda & kuwa Kooonfur Galbeed.