SOOMAALIYA WAA DALKA KALIYA EE ADUUNKA OO LEH LABA DASTUUR MID QORAN IYO MID QARSOON:

Dal kasta wuxuu leeyahay Dastuur ama Heshiis Bulsho oo ah sharciga ugu sarreeya uguna muhimsan shuruucda Dalka, shuruucda kaloo dhanna la doonayo inay waafaqaan, isla markaasna sharci kastoo ka horimaanaya uu yahay wax kama jiraan. Dastuur wuxuu qeexayaa ujeeddooyinka iyo mabaadiida aas-aasiga u ah bulshada, awooda Dowladda, waxaa kaloo ku qoran xuquuqda, waajibaadka iyo awoodaha dadku leeyihiin.

HADABA WAXAA LAGU DHAQMAA MID AAN QORNAYN OO DALKA LAGU DHAQO:

Midka qoran oo aan kagu dhamin:

A- Muwaadinkastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto lana doorto

B- waa inuu dalka yeeshaa Maxkamad Sare oo madaxbanaan.

C: Waa In loo sinaadaa garsoorka, aqoonta, caafimaadka iyo dhaqaalaha dalka.

Midka lagu dhaqmo oo aan qornayn.

A- Hogaanka dalka waxaa leh beelo gaar ah.

B- Naga daaya sharciga iyo maxkamad sare waxay ka hor imaaneeysaa danaha qabiilka iyo mida shaqsi.

C- Hantida dalka iyo waxkasta waa inay ku koobnaadaan reerka iyo kuwa nala siyaasad ah.

Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya lagu dhaqo dastuurka qoran ee lagu soo heshiiyay inta laga dhamastiraato, waa In dhinac leeska dhigo midka aan qornayn ee hoosta lagu haaysto waayo dalka ayuu burbur u hor seedayaa.

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaan kula talinayaa inay bartaan dastuurka dalkooda oo ay aqriyaan, hadaadan aqoon dastuurka dalkaaga ma ogaan kartid waxa aad xaqa u leeyahay iyo waxa aadan xaq ku lahayn.

Waxaan kula talinayaa kuwa ku dulman dalkooda Waa inaad si nabad ah ugu istaagtaan doonista cadaalad loo Siman yahay, hadaad ku aamustaan cadaalad darada waligeed way jireeysaa. Guuleesta inshalaah

Wa bilaahi towfiiq.

Sheikhnor Abocar Qassim