Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo si habsami leh uga socda Magaalada Dhuusamareeb+Sawirro

Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ayaa si habsami leh uga socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Shirka ayaa ka gudbay wejiga diiwaan gelinta Ergooyinka ka qeyb galaya waxaana la xareeyay dhamaanba Ergooyinkii matalayay beelaha Galmudug.

Dr, C/raxmaan Baadiyoow gudoomiyaha gudiga dib u heshiisiinta Galmudug oo saaka la hadlay Ergada shirka ka qeyb galeysa ayaa u faah faahiyay qorshaha shirka iyo waxyaabaha looga baahanyahay Ergada.

Dr, Baadiyoow ayaa sheegay maanta iyo beriba xooga la saari doono wacyi gelinta Ergada iyo in la isla qaato in laga wada shaqeeyo danaha Galmudug.

Wasiirka Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumada Soomaaliya oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka go’antahay Hirgelinta Galmudug lagu wada qanacsanyahay.