Mogadishu Madax & Miskiinba Cabsiyaa lagu wada seexdaa!!!

Mogadishu Madax & Miskiinba Cabsiyaa lagu wada seexdaa.

Qof waliba Nabadgalyadiisa isagaa Ka Masuul ah Cidna iskuna haleeyo. Mid kasta Mooradisaa u oodan.

Madaxdii: Baabuur iyo Shaati aan xabaddu karin , Xafiis aan xeeyndaabka loo Soo dhaafi Karin, waddada iga waardiyeey, Qol jiif oo qunfula badan ayeey magan u yihiin (F.S: 1aad)

Asgarigii: iga siko, halkaaga Ka Kala wareeg, iyo dhagaxaa ayaan Ku gambanayaa, wajigana astur iyo yaan la i aqoonsan.

Hoteelkii: Saddax Baaritaan kadib, magacaa iyo yaad u socotaa.

Masaajida: Casirka iyo Cishaha haka daahin.

Isbitaalka: Saacadahii booqashada waa la yareeyay, Bukaanka lama booqan Karo.

Xafiisyada: Xaanshidaada banaanka Ku sug.

Suuqa: Hooyo ma Sama tagatay.

Dukaankana: Alababka wada dabuul, dariishadna haba Ku darin, darbi oodan u daa.

Isguulada: Macallin iyo Arday Boorsada, Bustoolado Ku wato.

AMISOM: Adiga iska kaa ilaalinee, Amarna aan qaadaneyn, Aragti kaa tooganee.

Anigana: Albaakaan Xirtaa, Alaarmigeeygu waa Macalgo, Digsi iyo Daboolkii ( F.S: 2aad)

Mogadishu, waa nabad, Nabad, Amaankuna waa sugan yahay, ishaa Macallin ah, markhaatigu ma yaro…….Been miyaa?

Qore: Yahya Amir