Duca-qabe la Mahadiyay Booqashadiisii Muqdisho!!!

Abaarihii waa 11:00 barqanimo, garoonka Aadan Cadde International Airport ayaa lagu sugan yahay, maalintaas waa maalin Barakaysan, ruug-caddaa la jecel yahay oo imaanayo ayaa halkaas loo taagan yahay, daqiiqado kadib waxaa soo caga dhigatay diyaaradda Ethiopian Airlines, rakaab uu ka mid yahay Aqoonyahan, Bar-baariye iyo Qoraa Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle {Wadaad} ayaa ka soo degay diyaaraddaasi.

Salaan sharafeed kadib, waxaa loo soo galbiyay Hoteelka Jaziira, kulamo hordhac ah ayuu halkaasi ka bilaabay, hal maalin kadib imaatinkiisii Muqdisho, waxa uu ka qeyb galay Daah-furka Bandhiggii Buugaagta Muqdisho, mugga iyo miisaanka uu leeyhay darteed waxaa loo gartay inuu saldhig u noqdo dood cilmiyeedkii 1-aad ee bandhiggaasi, aqoonyahanno uu isagu ka mid yahay ayaa lagu Daah-furay!

Kunkii qof ee dhagaysanayay dooddaasi aad bay ugu bogeen hadal jeedintii bar-baariyahaasi, Seddexdii cisho ee uu socday Mogadishu Book Fair Dr. Xuseen Wadaad waxa uu ahaa aqoonyahanka ugu saameynta badan ee bandhiggaasi ka soo muuqday, Wareysiyo ayuu halkaasi ku bixiyay, Sawirro ayaa lala galay, buugga uu qoray ee Godob iyo Galad ayaa si ballaaran loo iibsaday, codsi ku aadan inuu wadanka ku soo laa-laabto ayaa loo jeediyay, si aqoontiisa & waaya-aragnimadiisa looga faa’iideysto.

Shirrar taariikhi ah ayuu Muqdisho ku yeeshay, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, siyaasiyiin ka mid ah Xisbiyada diiwaan-gashan, masuulyiin ka socotay Hirshabeelle, Wakiilo matalayay ururada Bulshada, Aqoonyahanno, Culumaa’udiin, Odoyaasha Dhaqanka, Madax ka socotay Dhallinyarada iyo Haweenka Soomaaliyeed ayuu kulamo gaar-gaar ah la qaatey.

Sheekooyin ku saabsan nolosha Qurbaha, kheyraadka Soomaaliya, horumrinta arimaha Waxbarashada, Caafimaadka, Samafalka, Isku-xirka ummadda, Wacyigalinta bulshada, Aqoon faafinta, Qoraalka iyo illaalinta Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta ayuu la wadaagay madaxdii iyo shacabkii uu la kulmay, farxad ayaa wajiyadooda laga dareemayay qolo walba oo uu la fariisto, xikmadaha iyo tilmaamaha cilmiyaysan ee afkiisa ka soo burqanayo ayaa aad loo jecleystay, lagama xiiso dhaceyn hadaladiisa toolmoon.

“Muqdisho, isbadal, horumar iyo qurux saa’id ah ayaa ka muuqata, aragtidii aan ka qabay mid ka duwan ayaan kala noqonayaa, 35 sanno ayaa halkaan ka maqnaa, isma laheyn bur-burkii kadib Muqdisho sidaan ayay u koraysaa, hambalyo ayaan leeyhay dadka G/Banaadir oo sameeyay soo laabasho la yaab leh” ayuu yirii Dr. Xuseen Wadaad oo Muqdisho kala laabtay Guul & farxad aan la qiyaasi karin.

Qaar ka mid ah akhyaartii ay is-arkeen ayaa Booqashadii qoraagaasi ku sifeeyay inay aheyd mid la Mahadiyay, iyaga oo hoosta ka xariiqay inay wax badan ka kororsadeen intii uu Duca-qabahaasi ku sugnaa Xamar Cadde.

WD:C/laahi Shiikhaalow