Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Iyo Dhiggiisa Turkiga Oo Kulan Yeeshay

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa Magaalada Izmir ee dalka Turkiga kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga dalkaas Ruhsar Pekcan.

Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa looga wada hadlay xiriirka labada dal iyo arrimaha ganacsi iyo mashaariicda horumarineed ee Turkiga ka fulinayo gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa dalka Turkiga ku tegay Casuumaad uu ka lehay dhiggiisa dalkaas Ruhsar Pekcan, isagoona ka qeyb galay bandhiga gancsiga 88-aad ee lagu qabtay dalkas Turkiga.

Sidoo kale Eng. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Ruhsar Pekcan ayaa ka wada hadlay sidii loo fulin lahaa heshiisyo dhanka ganacsiga ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, isla markaana la isaga kashan lahaa Arrimaha ganacsiga ee u dhexeeya labada dal.