Faah faahin: Ciidamada AMISOM oo Qaraxyo lagula eegtay Sh/Dhexe iyo Khasaaro Ka Dhashay.

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM Maanta laba qarax oo kala duwan lagula eegtay meel ku dhow Degmada Mahadaay ee Gobolkaas.

Qaraxyada oo ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa Ciidanka AMISOM lagula eegtay deegaan lagu magacaabo Buurane oo ka tirsan Sh/Dhexe oo ay Saldhigyo ku leeyihiin Ciidamada,waxaana uu qaraxa dhacay xili halkaas ay ku sugnaayeen.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxada oo soo gaaray Ciidanka AMISOM,waxaana Khasaaraha ugu badan uu ka dhashay qaraxa Koowaad.

Ilaa Afar Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ayaa ku geeriyootay qaraxii ugu horeeyay,halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale qarax labaad ayaa haleelay Ciidano gurmad ahaa ugu socday Ciidankii lala qaraxa hore lala eegtay,waxaana ka dhashay Khasaaro,hayeeshee weli lama shaacin inta uu la egyahay.

Intaasi kadib Ciidanka ayaa howlgal ka sameeyay deegaanka Buurane oo hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,isla markaana waxaa kusoo qabteen dad u badan Dhalinyaro,kuwaasi oo ay uga shakiyeen falal amni darro.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiishan Ciidanka AMISOM oo ay uga hadlayaan qaraxyadii Maanta ka dhacay deegaanka Buurane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,mana cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkaas.