Madaxweynihii hore ee Zimbabwe oo ku geeriyooday Singapore

Robert Mugabe oo 95 jir ahaa ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Singapore oo lagu daaweynayey, sida lagu sheegay qoraal uu waaberigii hore ee saakayto Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Madaxweynaha haatan ka taliya Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa.

Mugabe oo talada Madaxtinimada laga tuuray bishii November ee sannadka 2017-kii waxa uu ahaa Aabihii asaasay dalka Zimbabwe oo horey loo oran horey Rhodesia, wuxuuna Halgan dheer u soo galay Xorriyadii dalkiisa.

Waxa uu wax ku soo bartay dalka Ghana xilligii uu dalkaasi xukumayey Hoggaamiyihii Waddaniyiinta ee Qaaradda Afrika, Kwame Nakruma.

Robert Mugabe markii uu ka soo laabtay Ghana sannadkii 1964-tii waxaa la dhigay Xabsiga oo uu ku jiraa 10 sanno, kadib, markii loo arkay Waddani Halgamaa ahaa, oo ka soo horjeeday Hoggaamiyihii caddaanka ee hayey talada dalkii Rhodesia, Ian Smith.

Kuma uusan guul-daraysanin Halgankiisa, ilaa uu heeryadii Gumeysiga ka dul qaado dalkiisa.

Robert Mugabe waxaa lagu xusuustaa Siyaasadiisa Nacaybka Reer Galbeedka iyo hadalkii dhaxal-galka u noqday ee uu ku yiri: “Ilaa 100 jirkayga ayaan Madaxweyne ka ahaan doonaa Zimbabwe, Waxaana jeclahay inaan ku dhex geeriyoodo Xafiiskayga dhexdiisa”.

Madaxweynihii geeriyooday ee dalka Zimbabwe waxa uu ku dhashay degmada Kutama oo dhanka W/halberd kaga toosan caasimada Zimbabwe ee Harare bishii February 21-dii ee sannadkii 1924-kii.