Kenya markii ay aadeysay IGAD iyo AU waxay aaday dhakhtar khalad ah=Nasashada Jimcaha. Q-164aad=

Labo Cudur daar (Soo Daahidda Caawa):

a) Safar ayaan hadda ka imid aad, ayaana u daalanahay, Hotelka ayaa khad ka raadsaday, kadibna Qoraalkii in aan ka fekero oo aan qoro ayaan bilaabay.

b) Wax Akhyaar loogu maahmaahana malehe.

1-Axmed ayaa Saaxiibkii ku yiri: Maxaa ku dhacay Diiqaagii subaxdii Salaadda na toosin jiray? Saaxiibkii ayaa ku yiri: waan qalay. Sh. Axmed ayaa ku yiri: Maxaad u qashay? Saaxiibkii ayaa ku yiri: Diriska Qaar ayaa ka dacwooday oo uu Hurdada ka toosin jiray. ( F.S: 1aad)

( Qof kasta oo Dadka wanaag ugu yeero, inuu arrintaa ku weyn karo Noloshiisa ha ogaado)

2- Faarax UK ayaa Hani Filsan masaafeeystay, waxa ey u tageen Sh. Rilwaan bin Nakaaxul Baraka. Markii Nikaaxii dhacay ayey Hani ku tiri: shiikhoow bal sug, Magacaasi waa magaceeygii Messenger-ka. Faarax ayaa yiri: Annigaba keeygu waa kii Whatsup-ka. Shiikhii ayaa yiri: keyguna ma ahan kii saxda ahaa, ee waa kii xayeysiinta Xafiiskeyga Nikaaxa.

(Sedaxdaa Magac haddii la qore oo la iskula Nikaaxiyo, ma saxbaa?, berri haddii dacwo ka timaad Magacyo aan jirin…….. Dadka Xafiisyada loo dhiibayo Magacyadooda ma la hubiyay, kuwa Madaxa oo Magacii bedeshay ayaan aqaan, shahaadadooda, iyo CV- ga shaqadana naga hubiya).

3- Labo Xaasa oo 80 jiro ah ayaa ku heshiiyay, haddii Midkood uu damac galo in ey sameysataan baaq ah, ((waxaan rabaa Qasaaladda dharka lagu dhaqo)) Afar Bilood kadib ayaa Odaygii damac galay. Baaqii la isku ogaa ayuu ku baaqay. Marwadii ayaa tiri: Caawa Madaxaa i xanuunayo. Sannad kadib ayuu haddana u baaqay waxa ey tiri: Madaxaa i xanuunayo ee iska seexo, Hal saac kadib ayey is bedeshay oo iyadiina damac soo galay, waana u baaqday.

Odaygii ayaa ku yiri: Babe, wax yar oo aan u baahneeyn in Qasaaladda loo shido ayey aheyd, Gacanta ayaana ku dhaqday.( F.S: 2aad)

( Xisbi Mucaarad ah iyo Dowladii ayaa ku heshiiyay inay baaq sameystaan. Muddo kadib Mucaaradkii ayaa baaqii iska dhaga tiray. Markii uu ogolaadayna Dowladii ayaa ku tiri: Arrintaa waan xalinay)

4- Nin taagan xafiiska soo dhaweeynta Hotelka ayaa isaga oo aan u kaseeyn, ayuu Naag dhinac taagneed , Xusulkiisa uga dhuftay Xabadka. Intii uu raali galin lahaa, ayuu ku yiri: Haddii aad tahay qof naxariis leh oo Qalbigaagu u jilcanyahay sida Xabadkaaga waad i cafin doontaa. Waxa ey ku tiri: Haddii Xubintaada raganimadu u kakantahay sida Xusulkaaga waxaan daganahay Hotelkan Qolka 436aad. ( F.S: 3 & 4aad)

( Xildhibaan Jiis ah ayaa Musharax cusub haraatiyay, kuna yiri: iga raali ahaaw Doorashadii ayaan ku ordayay, Musharixii cusbaa ayaa ku yiri: Odayaashii Beeshu Hotelkaa ayeey joogaan, haddad heeysato 2 Million Dollar)

5- Haweeney 70 jir aheyd ayaa u tagtay Dhakhtarka ilkaha “Dentist” , waxa ey ku Fadhiisatay kursigii, dharkii hoose ayey iska saartay, Lugihii ayey kor u taagtay. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: war Annigu ma ihi Dhakhtarkii Cuduradda Haweenka (gynecologist ) waxaan ahay kan ilkaha. Waxa ey ku tiri: waan ogahay , waxaa rabay in aad iga soo saarto ilkihii Duqeyga. ( F.S: 5aad)

( Kenya markii ay aadeysay IGAD iyo AU waxay aaday dhakhtar khalad ah, ICJ ayaa ku shaqa leh ilka saaridda— sug sug . Usbuucaan waxaan sugayay in Madaxdu ka hadlaan arrinta Badda, idaacaduhuna ey ka sameeyaan barnaamijyo joogta ah inta Maxkamaddu socoto, Gudaha iyo Dibadana Dowladu banaanbaxyo ka abaabusho… see wax u jiraan, shibtaan iyo Dib u dhigidaan hala hubiyo)

6- Hooyo ayaa Gabarteeda oo 8 jir aheyd ku tiri: Ciidda waxaan kuu soo gadayaa Dhar asturan oo aad salaadda ciidda ku aado.

Gabadhii ayaa ku tiri: Hooyo, Marka hore dhar ha loo soo gado, Gabdhaha qaaqaawan uu ku jiro “Computer-ka” Aabe. ( F.S: 6aad)

(Masuul ayaa yiri: Gobalka waxaan keeneynaa Ciidamo Nabadda Sugo, Ugaas Ciise ayaa yiri: Caasimaddaa u baahan)

Qore: Yahya Amir