Jecliyaa Joornaaliiste u Sharaxan Jago Sare!!!

Saxafiga ruug caddaaga ah, ahna masuul sare oo ka tirsan Xisbiga Wadajir Al-ustaad Cabdi-wali Ibraahim Aadan {Garyare} ayaa daboolka ka qaaday inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweyne Ku-xigeen Galmudug.

Siyaasi Cabdi weli Garyare ayaa caddeeyay munaasabaddo lagu soo bandhiggayo musharaxnimadiisa in lagu qaban doono dalka gudahiisa, gaar ahaan magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb.

“Aniga oo ogsoon xaalada iyo waqtiga adag ee lagu jiro iyo baahida bulshada Galmudug u qabto helista hoggaan ku hagga dariiqa Wadajirka iyo midnimaddooda, sidoo kalana la-tashi badan la sameeyey qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa go’aansaday inaan isku sharaxo xilka Madaxweyne Ku-xigeen Galmudug” ayuu yiri Cabdi weli Garyare oo bartiisa Facebook-ga soo dhiggay warka arintaan ku saabsan!

Musharaxa cusub ee Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug ayaa sheegay inay ummadda Galmudug u baahan tahay hoggaan ku shaqeynaya saddexdda qodob ee kala ah Wadajir ummaddeed, Isla Guddoomin iyo Isku tashi, isaga oo hoosta ka xariiqay inuu rajayanyo Galmudug inay ka dhacdo doorasho si xor ah oo xallaal ah u dhacda.

WD:C/Laahi Shiikhaalow