DULMIGA WAXAY DHALINTA KU QASBEEYSAA INUU NOQDO XAGJIR

Siyaasadda ku dhisan cadaalad darada iyo sad-bursiga ee ay wadaan beelaha qaar oo ayku doonayaan in awooda dalka & taladda iyo faa’iidada oo dhan ayku kobnaato qabiilka ayka dhasheen oo kaliya, waxay qatar ku tahay nabada iyo dowladnimadda dalka Soomaaliya.

Siyaasad beeleedka ku dhisan boobka iyo sad-bursiga waxay dhalintii ku aburtay caro badan tasoo ku kaliftay inay ku biiraan ururka al-shabaab, ilmahaas oo maanta diyaar u ah inay naftooda iyo naf kaleba haligaan.

Marka ilmahaasi uu arko in magac dowladeed wax lagu yeelo, dhulkiisa iyo dadkiisaba xaq daro lagu sameeynaayo, markuu arko in maamulkii dowladnimo ee lawada lahaa ay noqotay mid beelo gaar u leh.

Markuu ilmahii arko inuusan mustaqbal lahayn oo wax barashadii, shaqadiiba lagu bixinaayo qabiil, markuu arko in beesha uu ka dhashay la dulmaayo, markuu arko in iskoolaadkii beelo qaar u xiran yihiin uusan awoodin lacagtii uu wax baran lahaa. Marku ilmahaasi arko In dalkiisa looga dhigay mid aan wax ku lahayn, uusan haaysan hooy, wax barasho iyo caafimaad, waxaa hubaal ah inuu midna dalka ka tahriibayo midna qori qaadaanyo tasoo dhib ku noqonaysa deganaasha iyo mustaqbalka dalka Soomaaliya.

Waxay ila tahay in waxkasta oo keeni kara cadaalad daro laga daayo dalkaan iyo dadkiisa oo la dhiso sharci iyo dastuur muwaadinkastaa u balan qaadaayo wuxuu xaqa u leeyahay inuu helo, waxaa la joogaa waqtigii uu sharciga talin lahaa, hadii kale waxaa hubaal ah inay nabad aysan jiri doonin oo lagu sii jiri doono burbur iyo halaag, hadaan lala imaan maskax kale oo ka duwan midii 30kii sano ee ka soo dhaafay.

Inta uu dulmiga socdo, adiguna nabad iska iloow.

Wa bilaahi towfiiq.

Sheikhnor Abocar Qassim