Xulka Soomaaliya Oo Garaacay Dhiggiisa Zimbabwe

Xulka Qaranka kubada Cagta ee dalka Soomaaliya ayaa 1 iyo 0 kaga Adkaaday Xulka Qaranka Zimbabwe Ciyaar ka tirsaneyd isreeb reebka Koobka Aduunka ee 2022 lagu qaban doono Wadanka Qadar. Ciyaarta dhexmartay Soomaaliya iyo dhiggooda Zimbabwe oo aheyd mid u waangsan ayaa ka dhacday Garoonka Ciyaaraha dalka Jabuuti,iyadoona qeybta hore ay kusoo dhammaatay barbardhac 0-0. Sidoo kale markii dib la isugu soo laabtay Ciyaarta ayaa daqiiqadii 87,aad dalka Soomaaliya u suuragashay inuu helo Gool,iyadoo Ciyaarta kusoo dhammaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Soomaaliya. Anwar Shakunda ayaa Ciyaariyahanka Xulka Soomaaliya Goolka u dhaliyay. Dhinaca kale dalka Xulka Soomaaliya ayaa lugta labaad la ciyaari doona Zimbabwe 8-da Bishan oo ku beegan Axada soo socota.