MUDANE XAASHI SEDEE BAAD U GUDOOMINEEYSAA AQAL KU DHISAN DULAN IYO SHARCI DARO?

Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi:

Waxa loogu magac daray Aqalka Sare dalka ee Soomaaliya, aad adiga lagugu doortay gudoomoye, waxaan dareemaynaa inuusan ku fadhiyin sharci iyo dastuur.

Mudane Cabi Xaashi Abdullahi Waxaan kugu tuhmeeynaa inaad ka mid tahay odayaasha Soomaaliyeed ee fara-ku tiriska ee jecel dowladnimadda, waxaad kaloo ka mid tahay rug cadaa aad u yaqaana siyaasadda dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Hadaba su’aasha aan doonaayo inaan si toos ah kuu weeydiiyo mudane waxay tahay:

Adigoo og inuu aqalka uu ku dhisan yahay nidaam qabiil takoor, tasoo ka hor imaaneeysa diintiineena suuban, dhaqankeena iyo Soomaalinimadda sedee buu damiirkaaga ku siiyay inaad hogaamiso aqalka noocaas ah?

Hadaan qaldanahay, fadlan eeg dhinacyadda 54 korsi, maku dhan yihiin Soomaali? Xildhibaanada maku jiraan Jareer, Banaadiri iyo inta walaalaha kale ee la HEEB SOOCO?

Hadeey Jawaabtaas maya tahay, waxaa kula gudboon inaad iska casisho ama Aqalkaan la waafajiyo sharciga iyo dastuurka dalka tasoo ayna fareeyso damiirta wanaagsan. Aniga kama mid ihi dadka aan cadaalada la baadi goobaaayo, waxa I wadaa waa dareen Soomaalinimo, adigana mudane waxaa ku saaran waajib taas la mid ah oo ah in midkeena la dulmaayo aan u hiilino sida ay diinteena iyo Soomaalinimadda ayna fareeydo.

Waxaan ku qasbanahay inaan dareenkeena gaarsiino aduunka, taasi waxay golahaas ka dhigeeysaa mid aan helin wax taageero dhaqaale iyo jiritaankiisa aan la aqoonsan.

Mahadsanid Mudane Xaashi.

Wa bilaahi towfiiq.
Sheiknor Abucar Qassim.