Dacwaddii Badda Soomaaliya oo dib loo dhigay muddo laba Bilood

DEG_DEG: Maxkamadda Cadaaladda Adduunka Ee ICJ ayaa Laba Bilood dib u dhigtey dhageysiga Dacwada Muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u dalbatay in la hakiyo dhageysiga kiiska dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, kaasoo lagu wado in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ay bilowdo 9-ka bishan.

Sida uu qoray wargeyska Dailynation ee ka soo baxay dalka Kenya, dowladda Kenya ayaa codsigeeda qiil uga dhigtay inay dooneyso in waqti ay ku qoroto qarreeno cusub.

Warar dhinaca diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Kenya ay qabto dareen ku aadan in looga guuleysanayo dacwadaas, isla markaana uu fashil ka soo gaari doono damaceeda Badda Soomaaliya, sidaasna ay dooneyso in loo hakiyo, si ay u sameyso wada xaajoodyo meelo kale ay u marto.

Hase ahaatee dowladda Federaalka ayaa diidan in dib loo dhigo dhageysiga dacwada, waxaana ay qorsheysay in wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ay u dirto magaalada Hague, si ay goobjoog uga noqdaan dhageysiga dacwada Badda oo qorshuhu yahay inuu bilowdo 9-ka bisha, isla markaana soo gabagabowdo 13-ka bishan.

Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay dacwad ka gudbisay Kenya sanadkii 2014, waxaa meesha ka baxayay isku day kasta iyo sheegashada Kenya ee dhul badeedka Soomaaliya oo ay dooneyso in wada hadal kala furto dowladda Soomaaliya, hase ahaatee Maxkamadda ICJ ayaa bishii February ee sanadkii 2017 go’aan ku gaartay inay qaadi karto dacwadan, oo aheyd sidii ay rabtay dowladda Soomaaliya oo ahaa in Maxkamadda Caalamiga lagu kala baxo.

Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ku yeeshay kulan xasaasi ah oo looga hadlayay arrimaha dacwadda ee u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaa horgeesay Guddiga amniga iyo nabadda ee Afrika in muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya soo faragaliyaan laguna xaliyo muranka wadahadal dibna kiiska dacwada looga soo celiyo Maxkamada caalamiga ee ICJ.

Golaha ayaa warbixin la xariirta muranka badda ka dhageystay mas’uuliyiin ka socday dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana warbixinta markii laga dhageystay labada dal lagu amray inay bannaanka uga baxana shirka, si Golaha ay uga doodaan dhexdooda.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Somalia C/qaadir Axmed Kheyr oo kullanka khudbad ka jeediyay ayaa golaha u sheegay in dacwadda Kenya iyo Soomaaliya ay muddo shan sanno ah hortaal Maxkamadda ayna rajo ka qabaan in go’aan ka gaarto maxkamada.

Waxa uu tilmaamay in aysan wanaag u arkin in xilligaan golaha la horkeeno kiiska dacwada iyo muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna sheegay in talaabadan u muuqato mid lagu mushquulinaayo doodda maxkamada

Wasiir Kheyr ayaa sheegay in sababta dacwada loo geeyay Maxkamada ICJ ay tahay in si nabad ah arintan lagu xaliyo, waxa uuna tilmaamay in rajo weyn ka qabaan in guddiga amniga iyo Nabada Afrika soo saaraan go’aan lagu taageerayo qadiyada Soomaaliya .

Waxa uu cadeeyay Wasiirka in dowlada Soomaaliya aysan marnaba gor gortan aysan ka galeyn kiiska muranka badda ee yaala maxkamada ICJ, waxa uuna sheegay in Maxkamada tagayaan ayna rajo ka qabaan in kiiska la ambo qaado laguna kala baxo.

Guddiga amniga iyo nabadda ee Afrika ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan War Murtiyeed kasoo saaraan muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo isbuuca soo socda la filayo in dhageysiga dacwadan dib uga bilaabato maxkamada ICJ.

Dowlada Kenya ayaa wada qorshe kasta ay uga baaqsan karto in dacwada muranka badda dib uga furanto Maxkamada caalamiga, waxa ayna Kenya wali rajo ka qabtaa in arintan wadahadal lagu dhameeyo.

Abdirizah Mohamed