Boris Johnson walaalkiis oo iska casilay shaqada wasiirnimo

Ra’iisul wasaaraha UK walaalkiis la dhashay oo iska casilaya xubinimada baarlamaanka iyo xukuumada kadib fashil iyo kala qeybin uu ku eedeeyay walaalkiis.

Jo Johnson, oo ah ra,iisul wasaaraha UK Boris Johnson walaalkiis ka yar ayaa iska casilaya xubinnimada baarlamaanka iyo jagada wasiirka ganacsiga isagoo sabab ugu dhigay walaalkiis B Johnson inuu kala qeybiyay daacada qoyska iyo danaha qaranka UK”.

Wasiirka ganacsiga iyo xildhibaanka ee xisbiga Conservative Jo Johnson ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in ay jirto “xiisad aan xal loo helin oo ku aadan ka bixitaanka EU ee Brexit.

Mr Johnson ayaa horay ugu codeeyay 2016 in laga sii mid ahaado xubinimada Midowga Yurub, halka walaalkiis uu hogaaminayay ololaha ka bixitaanka.

Wuxuu iska casilay jagada wasiir sanadkii 2016 isagoo ku mudaaharaadayay heshiiska Theresa May ee Brexit.

Laakiin wuxuu dib u galay dawladda inta lagu jiray ololihii danbe, ka dib markii xubnaha xisbiga Conservative Party ay u doorteen walaalkiis hoggaamiye.

Ali Muhudin