Sawirro:-Taliyaha Cusub Ee Booliska Oo La Kulmay Saraakiil Ka Socota Turkiga

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dalka Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa Maanta Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska kulan kula qaatay Saraakiil kasocota safaarada turkiga ee Muqdisho qeybteeda u qaabilsan Tababarada boliiska soomaaliyeed.

Saraakiishan ayaa warbixin dheer ka siiyeen Taliyaha Tababarada ay Gacanta Ku hayeen iyo waxyaabaha u qorsheysan mustaqbalka dhaw.

Wuxuuna u balan qaadey inuu albaab kasta u furidoona sidii wax loogu qaban lahaa Boliiska Soomaaliyeed..Taliyaha Ciidanka Boliiska S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa soo dhaweeyey xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Kan Turkiga asagoo ku bogaadiyey inay sii wadaan gacan siinta Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamadooda kala Duwan