Ha inkirin, hadaadan ogeyn!!! =Bal Aqri si aad wax u ogaato=

1) 1993dii Waqtigii UNISOM. waa noo Soo gurmadeen, Laakin baadi ayaa i gashay.

Dhowr kun Geed oo ah Nuuca Hidi” xabag Hidi” iyo Geedka Malmalka ayaa laga Soo ururiyay deegaanka, waana la dhoofiyay dhirtii.kadib waxaa la ii sheegay in ey u baahan yihiin warshadaha Daawadu oo “Antibiotics” Kan ugu fiican laga sameeynayo, Laguna korinayo Beero bac ah oo dalkaasi leeyahay. Gobalka laga qaaday dhirta ma taqaan? (F.S: 1aad) u eg.

2) Isla Sannadka Xerada UNISOM ee Gobalka waxaa tiil 12 Baabuur oo u Qafilan Sida Ambulance oo aan weligood dhaqaaqin, Habeen ayaa kolonyo Baabuur ahi Soo dhaqaaday, Baadiyaha ayey tageen, waa istageen, Qarax weeyn ayaa dhacay, kadibna goobtii qaraxa ayey tageen. God weyn ayaa Ka dilaacay. Baabuurtii ayaa Ku wareegsatay, Nalal ayaa lagu shiday, darbi caag ah ayaa lagu wareejiyay, waxaa yimid Niman Dhar cad cad Ku daboolan yahay jirkooda oo dhan, gacantana Ku wato wax Maqas u eg. Godkii afkiisa ayeey wax cadcad oo Xumbo u eg Ka Soo ururiyeen sanduuqyo caag ah ayey Ku shubteen. Waxaa yimid 12kii Baabuur, waxaa la saaray sanduuqyadii, Toos ayeey u Soo aadeen xamar, Dekada Markab yiil ayaa 12 Baabuur dhax galeen waana la qaaday. Waad taqaan Gobalka laga Soo qaaday. (F.S2aad) u eg.ogow Shidaalna ma ahan

3) Buur Yar ayaa Ku dhinac tiil Buur weyn, Xoolaha deegaanka ayaa noo daaqi jiray Waqtigii UNISOM, ciidan ayaa Soo degay baadiyaha, waxaa nala yiri Ka guura. Maalma kadib waxaa guuray ciidankii. Buurtii yareedna gebi ahaan waa la waayay.(F.S: 3aad) u eg.

4) waxa aanan weligeey Fahmin, Horena Sawiradii Cadeynta ahaa iyo qoraalba waan idiin Soo qoray haddii aad xasuusataan. Ciidamo UNISOM oo qodayo Qabuuro hore oo Somali ah,kadibna Iyaga oo Gacmaha Ku wato biro ey Meydka Ka siibayeen Goowsaha, kadibna wey qaateen Goowsihii, illaa hadda ma fahmin sababta, Goowsaha Meydka Somaliga loo qaadayo Cilmi ahaan.. Qof qoraalkaa iyo Sawiradaa Cadeynta ahaa iiga Soo jawaabto ma arag.

Qodobka: 1&2aad Hiram, 3-Baay & 4- Mogadishu.

Waa la ii Soo gurmaday, Laakin Baadi aanan fahamin ayaa iga maqan, Qoraalka intaa aan Ku koobo oo 10 qodob oo kale aan dib u dhigto.

War badan kharatiisa ayuu leeyahay, Saaqaas iga jooji. Afkeenu waa isku amaan.

Qore: Yahya Amir