Sanbaloolshe garanee, Xassan maannu aheyn ninkii…

Waxaan daawaday wareysiga laga qaaday Danjire Sanbaloolshe sidoo kale waxaan aqriyay qoraalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Aqrin ka dib xasuustayda ayaan dib u celiyay waxaanan is waydiiyay,

Xasan maannu aheyn;

Madaxweynihii isaga oo kursigii dalka ugu sarreeyay fadhiya xafiiskiisa 95% madax uga dhigay wiilasha uu adeerka u ahaa, sida maamulka ugu sareeya Madaxtooyada (Balcad) kan ku xigay (Sadaq) kan ugu sareeya Habmaamuuska (Kampala) kan ugu sareeyay Maaliyadda (Abdi Muhumad) kan ugu sareeyay shaqada iyo shaqaalaha (Atam) kan ugu sareeyayay Warfaafinta (Shador) amniga Madaxtooyada (Ibrahim Muhyaddin) oo qandaraasyadii ay aheyd in Soomaali ka wada faaiideysato siiyay isla shirkadii uu maamulaha ka ahaa intaanu Madaxweyne noqon (Alkheyraat) oo hantidii dalka u gacan galiyay walaalkii la dhashay, oo dhaqaalihii ciidanka xoogga dalka gacanta u galiyay wiilkii uu adeerka u yahay (Abdullahi), oo sirdoonkii Qaranka wiilka kale oo uu adeerka u yahay (Abdirahman) u dhiibtay, Booliskii adeerkii (Gas-Gas) sanad ku sime ah, oo dhulalkii danta guud u xaraashay walaalkiis kale (Ali Sheikh) iyo kooxdiisii (Damuljadiid) ??

Hadii sida aan hubo aan isku wada raacsannahay dhammaanteen, sidee ayay macquul ku noqoneysaa inuu beeniyo warka Xoghayihiisa arimaha guduhu sheegay ??

FG: Waxaan jeclaan lahaa qofkii bulshada la wadaagi kara hadii uu jiro hal sadar ama xitaa xaraf oo aan dhab ka aheyn amaba aan uga been abuuray Madaxweyne Xasan. Mahadsanidiin.

 

 

 

 

 

 

By: Cali Yare Cali
Xafiiska Madaxweynaha
Villa Somalia