Damjadiid oo iska beri yeeleen hadalkii ka soo yeerey Sanbalooshe!!!

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore Galmudug Cabdikariim Xuseen Guulleed waxey iska beri yeeleen hadalkii ka soo yeerey Sanbalooshe. Cajiib !!!.

Cabdulahi Sanbalooshe markii horeba kuma hadlin magac Xisbi balse aragtidiisa qof ahaaneyd ayuu dhiibtey. Soomaali badan wey u riyaaqdey qaarna wey dhibsadeen. Soomaalidu waa bulsho qabali ah, qabiil wax ku qaybsato dhinaca siyaasada, magta iyo qaaraankana ku baxsha in laga hadlaa qofkii ceeb ka dhigaa waa qof munaafaq ah.

Waxaa xaqiiq ah in dowladnimada Soomaalidu hal beel culeyska ugu weyn ku dhacayo. In iyaga uun qarax ku dhimanayaan in iyaga uun canshuurtoodu dowladu ku tiirsan tahay. Weliba laba canshuur baxshaan oo mida Al Shabaab qaadaa u dheer tahay. Dowladda canshuurta siiyaana amnigooda sugi karin.

Mida kale Qaranka Sommaliyeed 4 Dekeddood buu lahaa 3 reerihii qabsadey 1991 kii ayaa maamusha, dakhliga ka soo galana deegaannadoodu ma soo dhaafo ( Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo). Dowladda Soomaaliya isha dhaqaalle ee ku tiirsan tahay waa tan Muqdisho keliya. Dekadda Muqdisho keliya ma aha xitaa garoonkii diyaaraha Muqdisho iyo guryaha ku yaal bey dowladda federaalka canshuur ka qaadataa iyo canshuurta beriga.

Waxaa intaas sii dheer wiilasha wadooyinka Muqdisho taagan ee dowladnimadda difaacaya ama furumaha dagaalka ku dhimanaya iyaga oo Al Shabaab ka difaacaya labada shabeelle waa hal reer.

Marka haddii uu Sanbalooshe yiri “dhibaatada iyo dheefta si siman ha loo wadaago, Soomaaliduna beel beel bey wax ku qaybsataaye si cadaalad ku dhisan beeluhu wax ha u wadaagaan,runtana ha laga hadlo si dhibaatada looga baxo” Aniga ahaan wuu ila saxsan yahay. Hadalka Sanbalooshe waxaa dhibsanaya keliya qof doonayo in munaafaqnimo iyo been ku noolaado ama doonayo in beentaa ummadda ku dhaqo.

Eliyas Hussein