Wararkii ugu dambeeyay Qarax Daqiiqado ka hor ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa qarax Xoogan daqiiqado kahor uu ka dhacay Ex-control Afgooye ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasi uu ahaa Gaari ay ku xiran yhiin waxyaabaha qarxa.

Gaariga qarxay ayaa ahaa nooca raaxada ah,isla markaan wuxuu qarxay xili uu marayay Nawaaxiga fariisimo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay ku leeyihiin Ex-control Afgooye.

Dadka deegaankaasi ka dhawaa ayaa sheegay in qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan,taasi oo aan weli la ogeysn Khasaaraha ka dhashay.

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa isku wareejiyay halka uu qaraxa ka dhacay,waxaana halkaas ay ka wadaan baaritaano kala duwan.