Soomaali Dukaamo ku leh Koofur Afrika oo la boobay Dukaamadooda.

Johannesburg:-Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa lagu soo waramayaa in ay boob xooggan kula dhaqaaqeen dukaamo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

Boobkan ayaa ka socda Magaalada Johannesburg , waxaana la boobay dhowr dukaan, sida ay soo sheegayaan Saxafiyiinta ku sugan Koonfur Afrika.

Ciidamo aad u badan oo ka tirsan dowladda koonfur Afrika ayaa ku sugan goobta uu ka socdo boobka.

Boobkaan Ganacsi ee Soomaalida loo geystay Wakhtigaan, ayaa sababay inay tiro ka badan 1,000 Ganacsato oo Soomaaliyeed ah ay ku Hanti beelaan boobkan, iyadoo Dhaqaale ahaanna la Qiyaasayo inay uga luntay Boqollaal kun oo Doollarka Mareykanka ah.

Dhanka kale Soomaalida ku nool koonfur africa ayaa waxa ay inta badan dhacdooyinka noocan oo kale ah oo isugu jiro dilal iyo waliba dhac waxaa ay kala kulmaan burcad hubaysan oo u dhashay wadankaasi koonfur africa.