Run Sheeg waa Ceeb sheeg Sanbaloolshe balse diintaa qabta Xaqqa sheeg sibir ba haka xaraaraadee

Waaan kula qabaaaaa balse?

Waxaa layiraahdaa tiir kamid ah tiirarka siyaasadda waa Been Iyo Mujaamalo balse marka ay timaado Dowlad dhisid waxey ubaahantahay in laga wada run sheego loona wada guntado sidi darfaha leeskala wada qaban lahaa oo ay Dowladaasi lugaheeda ugu istaagi laheyd.

Hadaan dib u milicsano siyaasadda Soomaaliya runta is taabsiino anagoo ka wada fogaaneyna sad bursi reer gaar ah ayey wakiilo ay dirsadeen Beelaha Soomaaliyeed kuna aas aastay Dastuur dalka lagu kala hago dalka Jabuuti waxeyna kusoo wada heshiiyeen maadaama dalka naga wada dhaxeeyo reero kala duwan ama qabaa il’lo Allaha noo kala abuuray aan wax u qeybsano 4.5 oo macnaheedu ahaa Kuwa 4 qaatay waa kuwii usoo halgamay In leeska dulqaado Dowladdii kali taliska eheed Isla markaana dhibbadan usoo mareen sidi ay ugu macaashi lahaayeen faaiidada hanashada maqaamyada sare ee dalka halka 0.5 na layiri maadaama aydaan idinku shalay dhiig usoo daadin iska dulqaadka kalitalisnimada wax halgan ahna aydaan usoo marin macaashka aan maanta raadineyno wixi leydin siiyo iimaansada ee ma eheen In nasabkoodu sikale uduranyahay.

Heshiiski xiligaa beeluhu ku heshiiyeen leeskagama run sheegin ee waa leesku majaamaleeyay sababtoo ah laba reerood oo 4ti kamid ah (Hawiye Iyo Daarood) ayaa 2di kale kasad bursatay hadana (Dir Iyo Digil & milifle) waxaana shaxdi loo dhigay beesha caalamkana loo sheegay in Soomaali iska afgaratay kaliya sida kuraasta sare loo qeybsanaayo balse aanan qoraal dastuuri ah ahaan loo qori karin heshiiskaas maadaama ay agteena ceeb katahay waxa ladhaho qabyaalad (Hilibka lo’da ma cunno balse caanaheedaan cabnaa) waxaana shaxdi afka leeskaaga sheegay loo dhigay sidan:

1- Hawiye Wuxuu mar walba leeyahay Madaxweyne ama Raisul-wasaare
2- Daarood wuxuu mar walba leeyahay
Madaxweyne ama Raisul-Wasaare
3- Digil Iyo Milifle waxey mar walba leeyihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka
4- Dir waxey mar walba leedahay Gudoomiyaha Maxkamada sare (iyo ama) Raisul-wasaare kuxigeen.

Beeshi caalamka maadaama ay laqbadaas wax ka ogeed In meeshaan waligeed leeska daba raaracana ugu tala gashay waa aqbashay balse waxaanan waxba leeska weydiinin si cid walba wixi afka looga soo heshiiyay ay uhesho maxaa cidwalba laga doonayaa oo waajib ku noqonaayo hadey la imaan weydana ay xuquuqdaas af kaheshiiskaa kuweyn kartaa hadaan sikale udhigo maadaama waxa ladhisaayo Dowlad tahay ayna ubaahan tahay dhiig rageed oo difaaca dalka Iyo diinta dartood loo daadiyo Iyo dheef (maal) aduunyana loo bixiyo lagama heshiinin sideen iskugu daraneynaa dhiiga Iyo dheefta.

Maadaama aanan laga heshiinin sida wax leeskugu darsanaayo oo uu heshiiska ku ekaaa kaliya sida loo wada dheefsanaayo waxaa dhiig Iyo dheef bixinti looga kala siibtay beesha Hawiye oo laga soo bilaabo Carta ilaa maanta leeskula dheefsado dhiigeeda Iyo canshuurteeda taa oo kadhigan ciidanka Xooga dalka ee juqdaa dhaxanta, dhididka kaneecada iyo har’raadka utaagan oo lagu qiyaaso 26,000 kun oo Askari 21,000 Iyo jabab uga soo jeedaan beesha Hawiye Dhimashada dal Iyo diin difaacidoodna ilaa maanta utaagan. Tankaloo iyana mudan inaan ifinno waa Canshuurta laga qaado beesha Hawiye oo ah tubada ma ish’sha kaliya ee lawada cabo hadaan si kale udhigo heshiiska lagula jiro meesha caalamka waa In miisaaniyada Dowlada kushaqeyso Soomaaliya ayla timaado 60% halka beesha caalamkana ay kabeyso 40% oo marba marka kasii dambeysa larabo in ay hoos usii dhacdo taageeradooda halka tan Soomaaliyana larabo in ay kor usoo kacdo ilaa ay gaarto 100%. Maadaama muqdisho tahay halka Dowladu fadhido hey’adaheedana ku shaqeeyaan mushaaraadkooda Iyo running cost goodana laga bixiyo waxey xambaarsantahay oo mushaar laga siiyaa:

1- Madaxtooyada
2- Laanta Fulinta (R-Wasaare + 70 meeyo Wasiir, W/xigeen, W/dowle Iyo shaqaalahood)
3- Golaha Shacabka 275 Xildhibaan
4- Golaha Aqalka sare 54 Senetor
5- Shaqaalaha Dowlada 5,000 Iyo Jajab oo lagu qoro nin jecleysi kuna xiran hadba masuulki meesha fadhiya
6- Ciidamada Qaranka 26,000 kun (qiyaas)
7- Kabista miisaaniyada Dowlada Goboleedyada oo waliba qaarkood dakado Iyo garoomo dhaqaale ugooni ah kasoo galo heysta
8- Gurmadka ugu badan ee masiibooyinka dalka oo dhan

Waxaase nasiiib dar’ro noqotay In Soomaali dad matalaayay ay meel iskugu tageen dastuurki dalkana dhinac uga soo qoreen muqdisho in ay Caasimada dalka sii ahaato kuma qanacsanin ee haleeska warsado hana lacadeeyo In loo wada simanyahay sida loo qeebsanaayana dheefteeda iyadoo dhibkeeda Hawiye ugaaryahay halagu wanqalo In loo baahanyahay maqaam gaar ah oo laga heshiiyay leeslana aqbalay in ay yeelato taa oo ilaa maanta taagan oo ay usii dheertahay rafaad gaar ah oo dadkeedi la daalaa dhacaayaan jidadkana ugu umulaayaaan.

Hadaan soo qaato inyar oo ka mid ah sidi ay Dowlada Imaaraatka iskugu run sheegtay marki ay wax isku darsaneysay

Dowladda imaaraatka waxey ka koobantahay 7 imaaradood ama maamul goboleed oo lahaa 7 Amiir kalana qoqobnaa 6 kamid ah ayaa midowday 2 December 1971 oo kala ahaa Abu Dhabi, Dubai, Sharjah, Ajman, Umm Al Quwain and Fujairah halka Ras al Khaimah ay kusoo biirtay 10 February 1972 waxey ku heshiiyeen qodobo badan oo ay ugu muhiimsaneed awood qeybsiga oo loo dhigay in imaarad kasta ay dalka maamusho 5 sano ama amiirkooda dalka oo dhan Amiir u ahaado mudadaa kadibna mida xigta lagu wareejiyo balse ay wax walba uu dalka ubaahanyahay si siman uwada baxsadaan iyadoo imaarad kasta qeyraadkeeda Iyo maamul hoosaad keeda iyada leedahay una madax banaantahay waxaana xukunki lagu bilaabay in uu dalka hogaamiyo amiirki imaaradda Abu Dhabi Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan. Inti lagu guda jiray waqti xukun kiisa ayaa dalkaa oo faqri xun ahaa waagaa laga helay saliida ama batroolka ay ku baraareen saameyntaad aragteenna ku yeesheen waxaana saliida ugu badan 70% laga helay imaaradi uu kasoo jeeday amiirki markaa talada haayay ee Abu Dhabi halka qaarkood a aanan waxba laga helin meesha aan qisadaan uga danleeyahay ayaa ah in amiirki markale dib iskugu yeeray dhamaan amiiradi
kale kuna wargaliyay in ay laba mid kala doortaan oo ah:
1- In sidi hore ee lagu heshiiyay wax usocdaan xukunkana isbad’badal ahaado
uuna wax ku maamuli doono wixi leesku darsado maadaama Federal la ahaa.
2- In maadaama Nimco Iyo qeyr allah ka keenay imaarada Abu Dhabi oo uu kasoo jeedo isaga dalkoo dhan ka masruufo culeeska qarash ee dalkana qaadaan balse xukunka uusan isbad badal gali karin oo ay Abu Dhabi yeelaneyso Amiirka dalkoo dhan.

Dood, isjii jiid Iyo isku run sheegid badan kadib waxaa lagu heshiiyay qodobki labaad waana sababta ilaa maanta imaaradda Abu Dhabi uleedahay Amiirka imaaraatka halka Raisul wasaare na lasiiyay imaaraddi kusoo xigtay dhanka wax baxsiga (contribution) ka ee Dubai.

Markaad dhan kale kafiiriso Soomaaliya waxaa leeskaaga run sheegay dhanka xaajo toleedka reer kasta dhexdiisa ah sidi loo kala qaaraan badanyahay ayaa loo kala dheefsadaa marka kuraas lahelo.

Hadaad sidoo kale fiiriso qaabka maamul goboleed kasta maamulkiisa ku dhisanyahay Somaliland waxaa marwalba Madaxweyne ka ah beesha Isaaq macnaheeduna ma ahan In meesha reero kale daganeen ee dhiig Iyo dheef ayaa ladheeryahay sidoo kale fiiri Puntland markasta waxaa Madaxweyne ka ah beesha Majeerteen macnaheeduna ma ahan In beelo kale meesha daganeen Galmudug fiiri marwalba waxaa Madaxweyne ka ah beesha Habar Gidir macnaheedu ma ahan In beelo kale meesha daganeen Jubba land sidoo kale ee dhamaan waxaa lees dheeryahay waa Dhiig Iyo Dheef hadii sidaas qaranka looga run sheegana xal maanta kahor ayuu imaan lahaa balse waa naloo hadal xumeeyay oo inti uu qof walbaa ka cabsanaayo yaanan beri lagu dhihin hebel waa qabyaaladiiste ayuu isagoo runta og la aamusay kubeertana iskula daboolay ilaaah baan idinku dhaarshaye bal fiiri Golaha Shacabka ee ka kooban 275 ta Xildhibaan beesha layiraahdo Ciise madoobe ee reer Jabuuti Soomaaliya waxey kadagaan seylac iyo hal meel oo kale waxey kuleeyihiin 8 xildhibaan dhiig Iyo Canshuur midna lagama qaado Beesha Abgaal Cismaan ee (Hawiye) oo aad kaalinteeda Dowlad nimada Iyo dhulka ay dagto wada ogtihiinna waxey ku leedahay 9 xildhibaan hadana waxaa ladoor biday waa dadka haleysku haayo inti nin Iyo codkii laga gaaraayo dusheydana halagu wada socdo maqaamka muqdishana waan idinka aqbalay in uu maqaalinta kasii raaraco jidadkana ka xirnaadaan oo ay gaartay siduu Gudoomiye Muungaab sheegay in gaariga shashantada uusan magaalada soogalin karin wax kabadan hal kaariko oo dhagax ah maalintii.

Gabo gabo aniga walaalkey Sanbaloolshe hal meel ayaan uga duwanahay oo dhihi maayo Hawiyo Madaxweyne halahaado ilaa laga helaayo wixi uu tiriyay oo dhan balse waxaan qabaa inta Hawiye dib Soomaali iskugu yeero dib haloo tashado hana leeskugu runsheego Badda umaddoo dhan ayey kawada dhexeysaa hadana malaayga ama kaluunka kujiro ciddi soo dabataa iska leh ee dadkoo dhan looma wada qeybiyo suuragalna ma ahan dalna kuma dhismo Ber Bara, Boosaaso Iyo Kismaayo hal doolar oo Canshuur ah lagama helaayo dadkey soo dirsadeenna hanaloo biilo oo mushaar ha qaateen kabbid miisaaniyadna hana loosoo diro cadka libaaxana waa naga dhexeeyaa caasimada Iyo 3.5Millon ka qof ee kudhaqanna xuquuq ma leh ciddi sheegi taqaan oo aanan isagu qabyaaladiiste isku aqoon madarka hayimaado.

Midna ogaada Soomaaliyey Allaha ayaa noo kala abuuray Qabiilo aan isku garano dhexdeena markaan Dhexdeena wax qeybsaneeno wadiiqadda ama process ka wax qeybsigaas loo maraayo ayaa ah qabyaalad oo anaga wax xun inay tahay naloo sheegay wax kajirana majiraan.

Waxaan Kusoo gaba gabeynaa dal kamid ah dalal ka Carabta ayaa hada kahor askari wuxuu jidka ku arkay gabar cabsan oo laamiga dhinaciisa dhac dhaceysa mana uusan garaneynin intuu waday ayuu saldhigga geeyay marki magaceeda oo sedexxan laweydiiyay na waaba reer boqor waxaa lawacay qasriga loona sheegay sidey wax udhaceen waxaa saldhiga yimid xubin sare oo katirsan reer boqor markuu saldhigga soo galay ayuu kuqeyliyay yaa walaashey kusoo xirtay gurigaan markaasaa askari yiri maya Mudane guri kuma aanan soo xirine iyadoo nafteeda halis kujirto ayaa jidka kasoo waday oo aan saldhigga booliska keenay markaa inta bahal dharbaaxsho ah lagu jiiday lagu yiri meeshaan waa guri waryaa anagaa adiga Iyo dadkaba usheegnay In meeshaas saldhig ladhoho balse anaga agteena guri ayey katahay marka hada anaga qabyaalad in ay wax xuntahay waa naloo sheegay kaliya markaasaa dad gaar ah lagula istaaagay.

Reer kasta cadaaladda uu mudanyahay ha helo oo uu reerkaagaba kujiro si dalkaan udhismo.

Fadlan ra’yigaaga xor ayaad utahay.

Abdirahman Adan Osman