Maxay tahay culeyska ka imaan kari lahaa cunaqabateynta “1267 committee” ?

Runtii waa nasiib daro in ay jiraan shaqsiyaad doonayo in ay xilka ugu sareeyo ee dalka u tartamaan, isla markaana, aanan fahmi karin culeyska weyn ee ka imaan karo cunaqabateynta “1267 committee” ama loo yaqaan “ISIL (Da’esh) and Al-Qaida Sanctions Regime” iyo culeyska ay dalka u keeni karto. Culeyska ma ahan mid bani’aadanimo oo kaliya, waa culeys hakinayo horumarka dalka, maal gashi, dhaqaale iyo dhaqdhaqaaqa umada soomaaliyeed oo idil, waa culeys keeni karo in soomaaliya ay muda dheer go’doonto.

Marka hora waxaan doonayaa in aan wax yar ka ifiyo cunaqabateynada qaramada midoobay UN Sanctions Committees ee hada jira.

“Sanctions” waa cunaqabateyn waa culeys dalkii la saro umadiisa loogu talagaley in ay dareeman, culeys inta badan la saaro dawlado ama ururo lakiin marwalba sameyn iyo culeys u keeno shacabka halkaa ku sugan.

74 sano oo ay jirtay qaramada midoobay “UN” cunaqabetynada la soo rogay waxay dhamaayeen 30 cunaqabateyn ama sanctions. Waqtiga hada la joogo waxaa jira 14 cunaqabateyn ee qaramada midoobay, cunaqabateynta ugu waqtiga dheer waxaa uu ilaa manta saaran yahay dalkeena Soomaaliya waxaana loo yaqaan (Somalia Sanctions Regime) soomaaliya waxaa la saarey cunaqabateynta 1992 muda hada laga joogo 27 sano.

14’ka cunaqabteyn ee hadda jira ayaa hoos ku xusan:
Sanctions Committees
1. 751 (1992) concerning Somalia
2. 1267 (1999), 1989 (2011) and 2253 (2015) concerning ISIL (Da’esh), Al-Qaida and associated individuals, groups, undertakings and entities
3. 1518 (2003) concerning Iraq
4. 1533 (2004) concerning the Democratic Republic of the Congo
5. 1591 (2005) concerning the Sudan
6. 1636 (2005) concerning events in Lebanon
7. 1718 (2006) concerning DPRK
8. 1970 (2011) concerning Libya
9. 1988 (2011) concerning the Taliban
10. 2048 (2012) concerning Guinea-Bissau
11. 2127 (2013) concerning the Central African Republic
12. 2140 (2014) concerning Yemen
13. 2206 (2015) concerning South Sudan
14. 2374 (2017) concerning Mali

Cunaqabteyn dalka la saaro ama ay labo cunaqabateyn wada saaran yihiin: ( sida hada ay dalalka qarkood soomaaliya la damacsan yihiin), dalkaa waxaa ku soo kordha culeys fara badan, madaxda soomaaliyeed ee hada joogo ee ka shaqeeynayo in aan iska caabino cunaqabateynta hada na saaran ayaa garan karo in aynan Soomaaliya xamili Karin cunaqbateyn kale oo dheeri ah.

Dalkii cunaqabateyn lasaaro waa ay adagtahay in ay heelaan maalgashi, hadaba qof kasto oo soomaali ah waxaa quman inuu ka shaqeeyo inaan dalkiisa cunaqabateyn dheeri ah aan la saarin, kana shaqeeyo in mida hadda na saaran nalaga qaado.

Su’aasha waxaa weeye yaa dalbay in Soomaaliya hada lagu daro cunaqabateynta 1267 committee ?

Maxaa kulmiyey saddexdaan arrimood?:

1- Shirkii London ee soomaaliya uga hadleysay batroolkeeda February 2019

2- Sugitaanka jawaabta maxkamada xuduuda bada (Kenya iyo soomaaliya) september 2019

3- Codsiga dawlada Kenya oo ah in cunaqabteyn dheeri ah la saaro soomaaliya ayada oo la cuskanayo alshabaab.

Alshabaab waa urur aasaasmay 2006 mudo sadex iyo toban sano laga joogo, cunaqabateynta hada la dalbaayo in lagu daro ee loo yaqaan “1267 committee ama ISIL (Da’esh) and Al-Qaida Sanctions Regime, waxaa la aasasay 2008 da, kow iyo toban sano ka hor. Maxaa curiyey in maantey oo alshabaab ay joogto meeshi ay ugu liidatey lagana xoreeyey goobo fara badan, cadaadis adagna la saarey alshabaab, maxay dalalka qaarkood ay u dalbayaan in Soomaaliya ay gasho cunaqabatey hor leh oo hakinayo horumarkeena?

Arintaan waa mid ku salaysan in horumarka Soomaaliya ay dawlada kale culeys u arkaan.

Haddaba waxaa quman in aan qorshe dalka lagu dhibaataynayo aynaan Soomaali hormuud ka noqon.

Shaqsiyaadka xil doonka ah iyo shaqsi walba oo soomaali ah waxaa masuuliyad ka saaran in aysan dalka cadowgiisa tageerin. Isla markaana aysan u horseedin dalkeena dib u dhac iyo go’doon hor leh.

Waxaa muhiim ah in bulshada soomaaliyeed ay noqdaan dad warbixin sax ah hela (informed society) si ay ula socdaan xaalada dalka ka jira gudaha iyo dibada, si ay u ilaaliyaan horumarka soomaaliya ka jira.

Mahadsanidiin

Danjire Awale Ali Kullane