Ciidamo Itoobiyaan ah oo Fariisinkooda ahaa Gobolka Hiiraan oo Dalkooda dib ugu laabtay.

Beledweyne:-Wararkamka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM qeybta Itoobiya ee ku sugnaa Gobolkaasi ayaa maanta iskaga baxay Sooomaaliya, kaddib markii la sheegay inay dhameysteen howgalkii ay u joogeen Soomaaliya.

Xaflad sagootin ah ayaa ciidamadaas loogu qabtay magaalada Beledweyne, waxaana ka qeyb galay xafladaas Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma oo sigu kasoo jeeda Itoobiya, Taliyaha qeybta 4-aad ee Ciidanka AMISOM Maxamed Ibraahim Muuse iyosidoo kale madaxa Hey’adda Miina Baarista Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Dhanka kale Ciidamada lagu sagootiyey magaalada Beledweyne gobolka Hiiraan ayaa baneeyey xarumo ay ku lahaayeen magaalooyinka Maxaas, Halgan iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in ciidamadaas oo Itoobiya ay dhameysteen howlgalkii ay u joogeen Soomaaliya .