Qarankii dhammaa ee Yaman In sidaas loo galo Waa 3 sababood…

Qarankii dhammaa ee Yaman iyo dalkiisiiba waxaa dhulka la simay Imaaraad iyo Sacuudi, dadkiina ka dhigay wax le’day, wax qaxay iyo wax silcaya. Waxaas oo halaag ah umaddaa waxaa loo gu geystay saddex sababood:

1. Kacdoonkii 2011 ee ay daaquudka iyo dawlad xumada reer Yaman ka ga xoroobi lahaayeen oo labadaa dal sharaysteen, waayo daaquudyada ayaa ka baqay haddii Yaman dawlad wanaagsani ka dhalato in iyagana dadkoodu ku kaco.

2. Kacdoonkii Yamaneed oo ay halkudhigyadiisa ka mid ahayd soo celinta Dekedda Cadan taas oo Cali Cabdalla Saalax kiro xaqiran ku siiyay shirkadda Imaaraadka ee DP World, taas oo iyaduna diidday in ay horumariso, kana dhigtay bakhaar ay u gu adeegto teeda Dubay.

3. Reer Galbeed oo dadka Yamaneed u arkayay shacab dhaqanraac ah oo aan kooda u jajabnayn, sidaa darteed raalli ka noqday in umaddaa hannaankeeda bulsheed la dumiyo.

Saddexdaa marmarsiinyo ifafaalahoodu dhulka Soomaalida hore iyo maantaba wuu ka muuqdaa. DP World dekedo muhiim ah ayay musuqmaasuq innaga ga qabsatay, tabtii Cadan, si aynnaan u horumarin oo kuweeda u la tartamin. Shacbigeennu wuu diiddan yahay bahdilaadda iyo dullaynta la gu sandulleeyay ee sidaa u dhacday, waana hubaal dawlad kasta oo sharci ah oo timaaddaa in ay heshiiskaa ka baxayso. Soomaalida guud ahaanba sababta kowaad ee faragalinta iyo fawdaynta shisheeyuhu siyaasad ma aha ee waa mid dhaqan oo la doonayay dadkan in loo nugleeyo oo loo jilciyo soo galinta dhaqan iyo diin Galbeed, si ta dhaqaalena hadhow fudayd loo ga danaysto. Taasi haddii ay ahayd marmarsiinyo aan dadka u muuqan, xagjirka Wahaabigu wax uu noqday marmarsiinyo weyn oo muuqda. Waa sababta Shabaab loo baabbi’in la yahay iyada oo la yeeli karo.

Hawlahan fulintooda waxaa la inoo soo dhex marsadaa siyaasi ku sheegga xun ee doqonka ah ee dhuuniqaata ah ee dhulka Soomaalida ka taliya, meel walba. Taa beddelkeeda, ma lihin waxyaalaha sidan u socda xarumo, aqoono, siyaasado iyo warbaahin la gu baadho, la gu oddoroso, la ga ga feejignaado oo la gu sheego. Kol haddii dawladnimadii xilkan gudan lahayd sidaa u fashilantay aqoonyahannada madaxabannaan ayay tani ku waajib tahay. Markaas baa shisheeyaha ay khusayso la ga la xaali karaa, dadweynuhuna heli karaa wacyi iyo abaabul uu is ku caabbiyo oo aayihiisa ku difaacdo.

Ibrahim Howd