Qabriga Waa meesha ugu horeysa ee xisaabta alle ka bilaabaneyso

Ma ogsoon tahay qabriga inuu kaga bilaabmaya nolasha akhiro uu kuu noqon karo gododka janada mid ka mid ah ama gododka naarta mid ka mid ah,  hadaba intaas oo idil waa in sahay loo qaataa.  Safarkaan maahan mid dib loogu soo rugaal cilinayo  daarihii aduunyada, alla subxaana watacaala ayaa horay  noogu sheegay  naf waliba inuu mowdka marna u  hareer mari doonin taasina ay inoo tahay waamo iyo wax  isku sheeg, waxaa jiridoonta malin Aad Loo wada taak iyo itaal daran yahahay  oo naf waliba ay leedahay maanta maxaan ka gaaraa, bal marka laga reebo naftii alla adeecday qaadatay sunada nabigeyni Maxamed ahaa naxaris iyo nabadgalyo kor kiisa rabi haka dhigee.

Bal aan dib u eegno boqolaal kun sanadood  ah umadihii islamka  oo geeriyoodeen manta xaladahooda. Waa sidee alla weyne ayaa garankaraa iyo waxa ay ku sugan yihiin.

Hadaba hadaan dib u soo dago dulucda hadalkeyga aan ku abaaro sida dhabta ah nafna maalinteyda lama dhafinaayo marka laga reebo naf ayadoo sadaqo dhiibaneyso  lugu duceyo rabiyow cimrigada kubarakey  wana inuu yahay qof bari ka ah xaaraanta ribada  iyo jinsiyad necebka.

Waana sadaqada cimriga barakeysa hadaba mar waliba aynu badini faafinta wanaaga xumaantana ka fogaano, waxaa soo kordhayaa baryahan dad markaasi haldoorka bulshada magaca iyo sharafta ku leh in la yiraahdo waa geeriyoday ama wey geeriyootay aygoona markasina garan karin waxa ula jeedkoodu uu yahay  rabi weyne cidna shaqsi kale nolashiisa kalama tashanaayo, waxaan ku wada jirnaa hal xero Waxaa sugaaya imtixaanka aakhiro waxaana imtixaankiina naga qaadaya labada malag munkar iyo wanakiil  kii su’aalihisa ay jawabo sax ka dhibto waxaa u balaabaneysa nolasha dhabta ah.  Aan marnaba la dhiman doonin gaboow majiro, majirto nimcada iyo wabiyada  waa masha Allah,  dalagyada baxayaan  mahan kuwa aduunkan yaalan.

Maanta ayaa wax waliba Aad awoodaa toosi salaada, badi taqwada Alla isku soo dhiib Alla weyne iyo rasuulkena muxamed csw hadaa tahay maal qabeen hadaa tahay boqoraan ogoleen ku socodka dhulka. Hadaa tahay mid labiskisa iyo gaarigiisa isku ekeysisto ogow maradaa cad ayaa kaga dambrndonta maalkaadina waxba ku tarimaayan, camalkaada ayaa god kula galaya  rabiyow kitabkena gacanta midig naga sii coladana  naga dulqad  inta dhimatay janadad.

Ugu bisharey  Alaahuma Amiin Amiiin      W/Q Bashiir Jiidaal Baroow soomaliweyn Holland