MAXAY U DIIDAN YIHIIN SIYAASIYIINTA DAROOD IYO HAWIYE AQOONYAHANADA DIGILMIRIFLE?

Waxay inta badan dadka is weeydiyaan maxay siyaasiyiinta soo qabtay hogaanka dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee ka dhashay Darood iyo Hawiye, marka kaga reebo AUN Abdulaahi Yusuf intooda kale ma doonayaan inay dowladda ayka mid noqdaan aqoonyahanadda Digilmirifle, waxay ka door bidaan in dowladooda ayka mid noqdaan kuwa aqoonta iyo xirfad a ayku yar tahay ee ka dhashay beeshaas.

Hadaba waa maxay sababta?

Waxaan aragnay Sheikh Sharif iyo dowladiisa, waxaan aragnay Hassan Sheikh iyo Omar Abdirashid sidoo kale waxaan aragnay Mohamed Abdulaahi Farmaajo iyo Hassan Kheyre intooda waxay ka siman yihiin oo ay soo xushaan dad ka dhashay beeshaas kuwa ugu aqoon iyo xirfad hooseeya qabaa’ilka kale ee Soomaaliyeed, ayagoo heli kara dad aqoon sare u leh maaraynta nidaamka dowladnimo si dalka uu u hor maro.

Marka aad arinkaan si fiican loo derso waxaa kuu soo baxaaya inay iska dhaadhiciyeen ayagoo eegeynin maxaa dalka dan u ah, waxay ky fikireen adigoo heli ka heli kara qowmiyadaas kuwa aad shilimaad ku gadan karto maxaa kuu geeynaayo aqoonyahan ka madax adeega siyaasadaada ku aadan mid gaar iyo mid guud?

Digilmirifle waxay leeyihiin aqoonyahano la mid ah qaba’ilka Soomaaliyeed oo runtii qayb ka noqon kara maslaxadda guud ee dalkooda Soomaaliya, lakiin waxaa hor istaagan kuwa aan aqoonta ku yar tahay oo ka baqaaya hadii ay ragaasi soo galaan siyaasadda ayaga inay meesha ka baxaan, waxayna garab ka helaan siyaasiyiinta Darood iyo Hawiye.

Maadaama hada soo gaaray doorashadda hogaanka cusub waxaan arkaa in aqoonyahanadaasi ay fursad u haaystaan inay wax badalaan siyaasadaasi irdaha looga xirtay, waxaana hubaal ah inay garab ka heli doonaan odayaasha dhaqanka iyo shacab-waynaha Digilmirifle oo ka daalay lugooyada mid gaar iyo mid guudba.

Mar hadaad haaysataan awood cod bixin kor u dhaafeeysa DM iyo beesha shanaad 100 Xildhibaan wax baad badali kartaan.

Afeef: ma jecli ku dhaqanka qabiilka, lakiin waxaan necbahay siyaasad xun oo dalka u keeni karta dib u dhac iyo ku dhaqanka cadaaladda waa kaas ula jeedada. Kuwa aan jeclayn magac qaadka qabiilka Waxaan xasuusinayaa in dowladda ayku dhisan tahay awood qaybsi qabiil, taas awgeed waxaan ku qasbanahay inaan ka hadalno qabiil.

Wa bilaahi towfiiq.

Sheikhnor Abukar Qassim