Duqa Cusub ma ka Fiicnaan Doonaa mise waa ka hoos Mari Doonaa Maqaawiirtii soo Maamushay Muqdisho!!!

Muqdisho waa Caasimadda Soomaaliya, isbadal iyo horumar lixaad leh ayay samaysay sannadihii u dambeeyay, rag culus oo aan kala dhicin ayaa magaaladaan soo hogaamiyay,Duq kasta meel wanaagsan ayuu soo gaarsiiyay Muqdisho.

Max’ed Cismaan cal Dhagaxtuur waa ninja kaliya ee ku yimid Doorasho, xilligii Raiisul Wasaaradda Nuur caffe ayuu soo shaqeeyay, shaqooyin badan oo taariikhda galay ayuu ka soo qabtay G/Banaadir.

Gen. Xasan Max’ed Xuseen (Muungaab) waqtigii Madaxweyne Xasan Shiikh ayuu Gobolkaan Duq ka ahaa, taariikhda ahaan waxaa lagu xasuustaa soo nooleynta xarunta D/Hoose ee Muqdisho, sidoo kale waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay geesigii ku dhiiraday inuu xafruntaD/Hoose geeyo Degmada Heliwaa.

Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale 2016-2017 ayuu noqday Guddoomiyaha F/Banaadir iyo Duqa Muqdisho, intii uu Maamulka hayay waxa uu ku guuleystay inuu dhiso waddooyin badan, sidoo kale waxa uu hormariyay qeybo badan oo l tirsan maamulka G/Banaadir.

Haatan xilka G/Banaadir waxaa hayo ruug caddaa ka mid ah akhyaarta aan dibadda u cararin, Duq cusub waa Geesi horey loo soo tijaabiyay, rajo badan ayaa laga qabaa inuu wax badan soo kordhin doono, laakiin waxaa la is weydiinayaa Makka fiicnaan doonaa mise waa ka hoos Mari doonaa maqaawiirtii Gobolkaan kaga horeysay?

Lix bilood kadib ayaa la kala ogaan doonaa dariiqa uu qaaday!!!

WD:C/Laahi Shiikhaalow