Ciidamada Hiil-walaal ee Amisom oo aad loogu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

Ciidamada Hiil-walaal ee Dalka Djabuuti oo qayb ka ah Howlgalka AMISOM ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

Saraakiisha Qaybta 21aad, Xildhibaano Heer Federaal ah iyo Bulshada ayaa soo dhoweeyey ugana hortagay Duleedka Dhusamareb.

Ciidamada ayaa soo maray Magaalada Guriceel waxaana hada soo dhowayn loogu samaynayaa Garoonka Kubbada Cagta Dhusamareb halkaas oo ay ku suganyihiin Shacab aad u fara badan iyo Ardayda Iskuulada Magaalada.

Faah faahin dheeraad ah dib kala soco Insha Allah.

Ciidanka Midawga Africa ee AMISOM oo Dhuusa mareb gaaray iyo wasiirka amniga XFS oo ka hadlay howsha ay u tageen.Warbixin

Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Saturday, August 31, 2019