Addoon is Moog waa Adiga!!!.

Dhalin yarooy , dhalin yarooy ,wuuuw. Wuuuuuuw.

Dhalinyaro badan oo isku heeysato in ey Xur yihiin, ma ahan Xur, waxaa lagaa heysataa Maskaxda, waxaa Kaa heysta Dad kale, Nidaam, Siyaasi, Nabadoon, wadaad yare, waddamo kale, Jaahilnimo, dacaayado, Xisbi, Qabiil, Media, xataa duruusta laguu dhigo qaar ayaa loogu talagalay in aadan Xur noqon.

Dhalin yarooy Maskaxda Ka xuroow.(F.S:1aad)

Dad ayaa Ka fekera oo kaliya in ey Jir ahaan xuroobaan, waxa ey Ka baxaan Xabsi yar oo dusha Ka banaan oo jir ahaan ey ugu jireen, waxa ey galaan mid Ka weyn Xabsigii hore, iyaga oo aan ogeeyn, iskuna heysta in ey xuroobeen.( F.S: 2aad)

Dadku haddii ey Ido noqdaan, xatta Dameerka ayaa hogaamin Karo.(F.S:3aad)

Waa in Madaxdu ey Ku socdaan rabitaanka Dadkooda, Haddii Madaxda aad daba socoto iyagana meel kale laga hogaaminayo, Adiguna Baadi, Baadi kale daba socoto ayaad tahay.(F.S:4aad)

Dhalin yarooy Maskaxda Ka xuroow. Ama weligaa ahaaw mid la leeyahay isaga oo aan is ogeyn, geeriyoodana isaga oo aan Maalinna Xur noqon,iskuna heeysto in uu Cumrigiisa Xuriyad Ku dhameeystay, Aakhirana lagaa yeelimaayo, Annigu Xur ma aheyn iyo waxaan isku maleynayay in aan Xur ahay.

Waa iga Talo.

Dhalin yarooya Maskaxda Ka xuroow. Dalku waxa uu u baahan yahay Dhalin yaro Maskaxda Xur Ka ah.

Qore: Yxaye Caamir